9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 30, 2023
Faysal Cali Waraabe: Farmaajo wuu ku saxsanaa markii uu isku dayay in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur
 

Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay in uu yahay nacas wayn kadib markii uu siyaasigu xukuumada Somaliland ku dhaliilay sida ay uga jawaabtay kacdoonka Laascaanood.

Faysal Cali Waraabe ayaa si deg deg ah uga jawaabay qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku baahiyay bartiisa Facebook, oo xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay gabaadfalo ka gaysatay magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in anay sax ahayn in reer Laascaanood lagu qasbo midnimada Somaliland.

Kadib qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka tilmaamay in madaxweyne Farmaajo uu ku saxsana in uu isku dayo in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur isaga oo ku sifeeyay nacas wayn.

"Farmaajo wuu saxsana markii uu isku dayay in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waa nacas wayn" ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u muuqday in uu ka cadhooday qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ku dhaliilay qaabka xukuumada Somaliland uga jawaabtay kacdoonka Laascaanood.

Faysal Cali Waraabe ayaa ah siyaasi xukuumada Somaliland aad u mucaarada, wuxuuna marar badan madaxweynaha ku eedeeyay in uu isagu sabab u ahaa dhibaatada ka dhacday magaalada Laascaanood, laakiin waxa uu kasoo horjeeda in Somaliland ay ka baxdo gobolka Sool.












Click here
4/30/2023 8:49 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo axad ah dalka ku soo celisay 123 muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey.

4/30/2023 7:31 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ahna sanator katirsan qalka sare ayaa uga digay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu furo dastuurka maamulkiisa.

4/30/2023 3:46 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidamada dib u xureynta deegaanka ayaa howlgalo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka sameeyay sacaadahi lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

4/30/2023 2:17 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Nimco Cabdiwali Cismaan oo ahayd 16 sano jir xaas ah, ayaa la kufsaday kaddibna tooreey ayaa lagu dilay, sida uu warbaahinta ka sheegay Aabbaheed oo lagu magacaabo Cabdiwali Cismaan.

4/30/2023 2:13 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa Xalay guuldaro kala kulmay kulan xiiso badnaa oo ay Xalay la ciyaareen dhigooda 17 jirada dalka Algeria oo ah martigaliyaasha Koobka qaramada qaaradda Afrika.