9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 30, 2023
Puntland: Kufsi iyo dil loo geystay Gabar 16 jir ah oo xaas ahayd

Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Nimco Cabdiwali Cismaan oo ahayd 16 sano jir xaas ah, ayaa la kufsaday kaddibna tooreey ayaa lagu dilay, sida uu warbaahinta ka sheegay Aabbaheed oo lagu magacaabo Cabdiwali Cismaan.

Falkaan ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay saygeeda, kaas oo isaga iyo rag kale ay si arxan darro ah u kufsadeen xaaskiisa, kadibna ay ku dhufteen tooreey illaa ay ka dhimato.

Marxuumadda ayaa ka hor inta aan falkaan lagu sameynin, waxaa rag uu horkacayay saygeeda ay ka afduubteen gurigeeda oo kuyaala deegaanka Daarusalaam oo hoostaga degmada Galdogob.

Aabaheed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay qaabka uu u dhacay falkaasi, isagoo sheegay in gabadhiisa si xun loogu tooriyeeyay 60 jeer, kaddibna dhaawacyo halis ah oo kasoo gaaray ay u dhimatay markii dambe.

Aabbaha ayaa hadda dalbanaya cadaalad.

Saddex nin oo kamid ah dadkii falkaan wax ka geystay ayaa haatan ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Dhacdadan ayaa dhacday Abriil 19, 2023.

Waa kiiskii saddexaad oo nuuciisa ah oo ka dhaca Puntland. Sanadkii 2019, Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabadh 12 jir ah ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo. Sidaas oo kale, Hodan Shanlayste ayaa isla sanadkaas kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Garowe.

Puntland ayaa 2020 xukun dil ah ku fulisay raggii ka dambeeyay kiiska Caa’isha Ilyaas, halka kiiska Garowe ka dhacay la waayay dambiilayaashii falkaas ka dambeeyay.












Click here
4/30/2023 8:49 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo axad ah dalka ku soo celisay 123 muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey.

4/30/2023 7:31 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ahna sanator katirsan qalka sare ayaa uga digay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu furo dastuurka maamulkiisa.

4/30/2023 3:46 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidamada dib u xureynta deegaanka ayaa howlgalo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka sameeyay sacaadahi lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

4/30/2023 2:28 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay in uu yahay nacas wayn kadib markii uu siyaasigu xukuumada Somaliland ku dhaliilay sida ay uga jawaabtay kacdoonka Laascaanood.

4/30/2023 2:13 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa Xalay guuldaro kala kulmay kulan xiiso badnaa oo ay Xalay la ciyaareen dhigooda 17 jirada dalka Algeria oo ah martigaliyaasha Koobka qaramada qaaradda Afrika.