9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 29, 2023
Dowladda Soomaaliya oo shir muhiim ah kaga qeyb gashay dalka Marocco

Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Rabaat ee dalka Marocco ugu qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Hey'addaha Maaliyadda dalalka Carabta.

Shirkaan ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco ayaa ah mid diirada lagu saarayo arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga Hay'adaha dhaqaalaha ee dalalka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa la wadaagay Hay'addaha iyo dowladdaha ka soo qeybgalay shirkaan looga hadlaayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka dib u habeynta Maaliyadda.

Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay inuu ku booriyay wasiiradda dhigiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo hay'addaha kale ee shirkaan ka qeybgalay iney sii wadaan garab istaaga dowladda Soomaaliya iyo waliba dhameystirka barnaamijka deyn Cafinta Soomaaliya.

"Waxaan maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Hey'addaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo maanta ka furmay magaalada Rabat ee Boqortooyada Morocco. madaxda dowladaha iyo kuwa hey’adaha maaliyadda Carbeed, waxaan warbixin ka siiyay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka" ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa intuu ku sugan yahay magaalada Rabaat ee dalka Marooco  kulamo gooni gooni ah la qaadan doona Wasiirada dhiggiisa ah iyo Madaxda Hay’adaha Maaliyadda Jaamacadda Carabta.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya dowladdo iyo Hay'addo dhaqaale oo ka tirsan dalalka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo qaarkood dowladda Soomaaliya ku leh lacago Malaayiin doollar oo deymo ah.












Click here
4/29/2023 7:11 AM EST
Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Ciyaartoyda xulka kubadda cagta Soomaaliya ee 17 jirada, ayaa caawa wajahaya xulka 17 jirada Algeria oo marti galinaya Koobka Qaramada Afrika ee U-17.

4/29/2023 5:12 AM EST
Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Hay'adda Human Bridge ee dalka Sweden ayaa Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo gaarsiisay kaalmo kala duwan oo uu u baahna Isbitaalka Baledweyne.

4/29/2023 3:24 AM EST
Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo madax kale ee caan ka ah gobolka Hiiraan.

4/29/2023 3:09 AM EST
Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Roobab xoogan oo biyo farabadan dhigay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa da'ay saacadahii lasoo dhaafay, kaasoo sababay dhimashada Afar ruux, islamarkaana saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah guryaha iyo wadooyinka Muqdisho.