4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 29, 2023
Soomaaliya oo Koobka Qaramada Afrika ee 17-jirrada caawa la ciyaaraysa kooxda Algeria

Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Ciyaartoyda xulka kubadda cagta Soomaaliya ee 17 jirada, ayaa caawa wajahaya xulka 17 jirada Algeria oo marti galinaya Koobka Qaramada Afrika ee U-17.

Soomaaliya oo horey ugu soo guulaysatay isreeb-reebkii tartankan, ayaa tartankan waxay ku guruub tahay waddamada Aljeria, Senegal iyo Congo.

Kulanka ugu horreeya waxay caawa 10:00pm la yeelandoonaan Algeria, waana kulanka ugu adag ee xulka 17 jirrada Soomaaliya uu wajayo.  

Xulka Soomaaliya ayaa weynaya laacibkooda Cabdixafiid, kaasoo maalmo ka hor ku haray baaritaanka MRI si loo ogaado in da’dadiisu ay ka weyn tahay 17 sano, ka hor inta aysan u sii gudbin Algeria.

Kulanka labaad waxay Soomaaliya la yeelan doontaa dalka Congo, taariikhdu markay tahay labada bisha May. Kulanka saddexaadna waxay Soomaaliya la yeelanaysaa Senegal, shanta bisha May.

Waa tartankii ugu horreeyay ee nuuciisa ah oo ay Soomaaliya ka qeyb galidoonto, iyadoo rajo fiican laga qabo in xulka Soomaaliya natiijo wanaagsan laga filayo.