9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 29, 2023
Isbitaalka Baledweyne oo lagu wareejiyay agab Caafimaad oo ka yimid Hay'adda Human Bridge ee dalka Swedan


Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Hay'adda Human Bridge ee dalka Sweden ayaa Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo gaarsiisay kaalmo kala duwan oo uu u baahna Isbitaalka Baledweyne.

Qalabkaan Caafimaad ee lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Baledweyne ayaa isugu jira  Kumbiyuutaro, Sariiro, Joodariyaal iyo agab kale Caafmaad oo muhiim ah.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka magaalada Baledweyne Dr Saleebaan Cabdi Cali oo gudaha Isbitaalka kula wareegay agabkaan Caafimaad ee Hay'adda Human Bridge  ee dalka Swedan ugu deeqeen Isbitaalka ayaa si weyn uga mahadceliyay kaalmadaan Caafimaad.

"Waxaa ina soo gaaray agab Caafmaad oo kala duwan oo uu Isbitaalka baahi weyn u qabay, kaasoo ina soo gaarsiyeen Hay'adda Human Bridge oo ku caan baxday in qalab caafimaad gaarsiiyaan dhammaan dalka Soomaalia" ayuu yiri agaasimaha.

Jaaliyadaha reer Hiiraan ee kala jooga Sweden iyo Mareykan ayaa iska kaashaday soo dhoofinta qalabkaas caafimaad.

Gabagabadii agabkaan muhiimka ah ee lasoo gaarsiiyay Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Isbitaalka weyn ee Baledweyne uu wajahayay mudooyinkii dambe baahi la xariirta dhanka agabka Caafimaadka.
 


SIXITAAN: Warbixintaan si qaldan ayaa horay loogu soo qoray Hiiraan Online, ayada oo Jaaliyadda  Somaliland ee dalka Sweden lagu sheegay in qalabkan caafimaad ay ugu deeqeen isbitaalka Beledweyne. Hiiraan Online marka ay u kuu gashay, waxaa u caddaatay in warbixintii hore aysan sax ahayn.












Click here
4/29/2023 10:23 AM EST
Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Rabaat ee dalka Marocco ugu qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Hey'addaha Maaliyadda dalalka Carabta.

4/29/2023 7:11 AM EST
Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Ciyaartoyda xulka kubadda cagta Soomaaliya ee 17 jirada, ayaa caawa wajahaya xulka 17 jirada Algeria oo marti galinaya Koobka Qaramada Afrika ee U-17.

4/29/2023 3:24 AM EST
Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo madax kale ee caan ka ah gobolka Hiiraan.

4/29/2023 3:09 AM EST
Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Roobab xoogan oo biyo farabadan dhigay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa da'ay saacadahii lasoo dhaafay, kaasoo sababay dhimashada Afar ruux, islamarkaana saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah guryaha iyo wadooyinka Muqdisho.