4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 29, 2023
Roobab khasaare kala duwan geystay oo ka da'ay magaalada Muqdisho

Sabti, April, 29, 2023 (HOL) - Roobab xoogan oo biyo farabadan dhigay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa da'ay saacadahii lasoo dhaafay, kaasoo sababay dhimashada Afar ruux, islamarkaana saameyn ku yeeshay  qaar ka mid ah guryaha iyo wadooyinka Muqdisho.

Fiidnimadii Xalay ayay aheyd markii masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa  guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ay gaareen goobaha ay sida weyn u saameeyeen biyaha ka dhashay roobabka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay iney Maanta bilaabayaan howlaha biyaha looga saarayo waddooyinka magaalada Muqdisho oo ay dhex fadhiyaan biyo farabadan oo ka dhashay roobabkii Shalay ka da'ay Muqdisho iyo Nawaaxigeeda, isagoona xusay in xalay gurmad ay u sameyeen dadka roobka ay saameeyeen.

"llaa hadda dedaalka wuu socdaa oo howshu waan ku jirnaa, Joodariyaal ayaa loosoo daabulay si ay ugu jiiftaan Qoysaskaan, cunno ayaan siinay maadaama ay gaajoonayaan, Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Magaalada Muqdisho gacantooda ayaan u baahan nahay” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale sheegay in khasaaraha ka dhashay roobabka ee la xaqiijiyay iney tahay dhimashada Afar ruux iyo guryo dumay.

“Badbaadinta dadka shacabka ah ee Masaakiinta ah ayaan u taaganahay, illaa hadda khasaaraha dhimashada waa 4 ruux oo ku dhintay warta Siigaale, Dadka leh Booyadaha ayaan la xiriirnay si ay biyaha uga qaadaan waddooyinka, qaarkood ayaa duhurkii ka hor nala kowsaday” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale.

Si kastaba ha ahaatee roobkii Shalay ka da’ay Magaalada Muqdisho ayaa saameyn badan ku reebay xaafadaha iyo waddooyinka Muqdisho, waxaana xusid mudan in saakay weli xiran yihiin qaar ka mid ah wadooyin ugu muhiimsan Muqdisho oo ay biyaha dhex ceegaagaan.