9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 28, 2023
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo 20 milyan oo Birr ugu deeqay gobolka Tigray

Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa deeq lacageed oo dhan 20 milyan ugu deeqday gobolka Tigray, lacagtan ayaa loogu talo galay dib u dhiska iyo dayactirka goobihii ku burburay dagaalkii ka socday gobolka Tigray.

Haddaba Madaxweyne Mustafe Cagjar oo deeqdan lacagta ah ku wareejiyay Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee gobolka Tigray Getachaw Reda, ayaa xusay in degaanka Soomaalida ay ka go'an tahay sidii dib loogu soo dhisi lahaa isla markaana wax looga qaban lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira gobolka Tigray ee ay dagaalladu saameeyeen.

Dhinaca kale Madaxweynayaasha gobollada kale iyo maamul magaalooyinka dalka Itoobiya ayaa iyaguna sidan oo kale lacago kale duwan ugu wareejiyay maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray ee uu hoggaaminayo Getachaw Reda.

Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed ayaa dhawaan madaxda degaannada dalka Itoobiya waxa uu ku amray inay soo booqdaan kana qayb qaataan dib u dhiska gobolka Tigray, waana midda keentay in maalintii shalay ay dhammaan madaxda degaannada dalka Itoobiya ay soo arkaan khasaaraha iyo burburkii uu ka tagay dagaalkii mudada dheer ka socday gobolka Tigray, halkaa oo markii dambe Masuuliyiinta gobolladu ay lacago kala duwan ugu deeqeen gobolka Tigray.

Xukuumadda Abiyi Axmed ayaa wixii ka dambeeyay heshiiskii ay la gashay TPLF, waxay go'aansatay in si guud looga qayb qaato dib u dhiska gobolka Tigray, oo isagu gabi ahaamba ku burburay dagaalkii u dambeeyay ee u dhaxeeyay TPLF iyo Dowladda Itoobiya.












Click here
4/28/2023 5:57 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Rakaab Soomaali ah oo la socday diyaaradda Turkish Airlines oo ku jirtay duullimaad Istanbul iyo Muqdisho ah, ayaa waxaa la sheegay inuu weeraray shaqaale ka tirsan diyaarada xilli ay hawada ku jirtay.

4/28/2023 2:16 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni, oo ah Guddoomiyaha Madaxda Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa ballan qaaday in ay xasilin doonaan Geeska Afrika.

4/28/2023 1:51 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Golaha Wakiiladda dalka Maraykanka ayaa diiday qaraar lagu dalbanayay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya lagasoo saaro sanad gudihiis, marka laga reebo kuwa ilaalada safaaradda.

4/28/2023 1:04 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya in ay gabtay masuuliyaddii ka saarnayd colaadda ka jirta magaalada Laascaanood.