9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 28, 2023
Golaha Wakiillada Maraykanka oo diiday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya
 

Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Golaha Wakiiladda dalka Maraykanka ayaa diiday qaraar lagu dalbanayay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya lagasoo saaro sanad gudihiis, marka laga reebo kuwa ilaalada safaaradda.

Cod ay u qaadeen golaha wakiiladdu, ayaa waxay 321 kamid ah ka soo horjeesteen ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya. Halka ay taageereen 101 xubnood.

Matt Gaetz oo xildhibaanka golaha horkeenay qaraarkan, ayay ujeedadiisu ahayd in laga saaro Soomaaliya, ilaa 900 oo askari oo Maraykan ah, balse xildhibaannada ka soo horjeeda qaraarkan ayaa waxay ku doodayaan in go'aankan uu wax u dhimayo amniga qaranka Maraykanka.

Tani ma ahayn isku daygii ugu horreeyay ee Gaetz uu ku doonayay in ciidamada Mareykanka laga saaro aaggaga colaadeed.

Golaha labada aqal ayaa bishii hore u codeeyay qaraarkiisa ah in la soo saaro ku dhawaad 900 oo askari oo ku haray Suuriya. Codbixintaas ayuu ku guuldareysatay tiro la mid ah 103 ilaa 321.

Madaxweyne Biden ayaa oggolaaday in 500 oo askari oo Maraykan ah dib loogu celiyo Soomaaliya sannadkii hore ka dib markii madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump uu amray in 700 oo ka mid ah laga saaro Soomaaliya intii uu xilka hayay.

Joe Biden ayaa ku adkeysanaya in loo baahan yahay si loola dagaallamo kooxda  Al-Shabaab.












Click here
4/28/2023 5:57 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Rakaab Soomaali ah oo la socday diyaaradda Turkish Airlines oo ku jirtay duullimaad Istanbul iyo Muqdisho ah, ayaa waxaa la sheegay inuu weeraray shaqaale ka tirsan diyaarada xilli ay hawada ku jirtay.

4/28/2023 3:24 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa deeq lacageed oo dhan 20 milyan ugu deeqday gobolka Tigray, lacagtan ayaa loogu talo galay dib u dhiska iyo dayactirka goobihii ku burburay dagaalkii ka socday gobolka Tigray.

4/28/2023 2:16 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni, oo ah Guddoomiyaha Madaxda Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa ballan qaaday in ay xasilin doonaan Geeska Afrika.

4/28/2023 1:04 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya in ay gabtay masuuliyaddii ka saarnayd colaadda ka jirta magaalada Laascaanood.