9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 28, 2023
Puntland oo ku eedeeysay dowladda federalka inay gabtay masuuliyaddii ka saarnayd xaaladda Laascaanood

Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya in ay gabtay masuuliyaddii ka saarnayd colaadda ka jirta magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay, Dowladdu in aysan u dhaqmin kaalintii laga rabay dowlad Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in iyadoo dhiig uu daadanayo ay Somaliland wada hadal la furto, una magacowdo ergay.

“Iyadoo uu dhiig da’ayo oo dadkii lalaynayo, hadalkeeda ugu horreeya waxay ahayd sidii dhiigga loo joojin lahaa oo nabadda u sugi lahayd. Inay gardarro garab og uga dhigto Somaliland, oo tiraahdo Somaliland ayaan wada hadal la furaynaa oo ergay u magacaabaynaa, waa arrin gef ah,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay SSC in aysan ka mid ahayn Somaliland, islamarkaana aan qasab iyo xoog lagu maamuli karin. Wuxuu sidoo kale sheegay   magacaabidda ergayga ay tahay waqti lumis aan waxba kusoo kordhindooni xaaladda.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inay taageersan yihiin mowqifka SSC, isagoo sheegay haddii ay socdaan colaaduhu in ay Puntland diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato wuxuu ugu yeeray difaaca qaddiyadda reer SSC ay ku taagan yihiin.












Click here
4/28/2023 5:57 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Rakaab Soomaali ah oo la socday diyaaradda Turkish Airlines oo ku jirtay duullimaad Istanbul iyo Muqdisho ah, ayaa waxaa la sheegay inuu weeraray shaqaale ka tirsan diyaarada xilli ay hawada ku jirtay.

4/28/2023 3:24 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa deeq lacageed oo dhan 20 milyan ugu deeqday gobolka Tigray, lacagtan ayaa loogu talo galay dib u dhiska iyo dayactirka goobihii ku burburay dagaalkii ka socday gobolka Tigray.

4/28/2023 2:16 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni, oo ah Guddoomiyaha Madaxda Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa ballan qaaday in ay xasilin doonaan Geeska Afrika.

4/28/2023 1:51 AM EST
Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Golaha Wakiiladda dalka Maraykanka ayaa diiday qaraar lagu dalbanayay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya lagasoo saaro sanad gudihiis, marka laga reebo kuwa ilaalada safaaradda.