9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2023
Dagaal beeleed khasaare geystay oo Maanta ka dhacay Hiiraan iyo Masuuliyiin ku baxay xalintiisa
 

Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah oo Maanta ka dhacay deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa geystay khasaare isugu jira dhimashada ilaa shan ruux oo labada dhinac ah iyo dhaawaca ku dhawaad 10 ruux oo kale, sida ay Shabakada HOL u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dagaalka ayaa ahaa mid salka ku haayay weerar gaadmo ahaa oo laba cisho ka hor ka dhacay deegaan dhaw degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo lagu dilay laba ruux oo xoolo dhaqato ahaa.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo ku baxay joojinta xiisada ka dhalatay weerarka habeen hore lagu dilay labada ruux ayaa ku guul dareystay iney xal  helaan xiisada u dhaxeysa labada Maleeshiyo beeleed ee kasoo kala jeeda beelaha Xawaadle iyo Habargidir oo uu Maanta dhexmaray dagaal qaraar.

Xubno ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Matabaan iyo saraakiil ciidan oo gaaray goobaha lagu dagaalamay Maanta ayaa waxay sheegeen iney ka xun yihiin in lagu kor dagaalamo, waxayna ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed ee walaalaha ah.

Dagaal beeleedka Maleeshiyaadka Xawaadle iyo Habargidir ayaa ah mid soo laablaabtay, iyadoo ay xusid mudan tahay in tiro dhowr jeer oo hore beelahaan la dhex dhigay heshiisyo lagu dhameynayo colaadooda, kaasoo aanan si rasm ah u miro dhalin mar walba.












Click here
4/27/2023 1:11 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Hogaamiyayaasha waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa isku raacay in la sii wado dhimista ciidamada, iyadoo ku dhawaad 2,000 oo askari ay dalka ka baxayaan bishii June, ayna ku xigaan 3,000 oo kale.

4/27/2023 11:24 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa la sheegay in laga reebay tartanka kubadda Cagta qaramada qaaradda Afrika ee U17.

4/27/2023 8:03 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxay maanta ku meel mariyeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo loo magacaabay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya.

4/27/2023 7:35 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Uganda, Abubaker Jeje Odongo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhimista ciidamadeeda ka hoos shaqeeya Midowga Afrka ee ku sugan Soomaaliya.

4/27/2023 7:32 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa odayaasha Muqdisho uga yimid dhexdhexaadina xukuumada Somaliland iyo garaadada SSC ku tilmaamay qaar aan dhexdhexaad ahayn.

4/27/2023 5:56 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay in ay xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da, kadib markii ay joojisay wadashaqayntii idaacada 19, July, 2022.

4/27/2023 2:06 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay baaristooda ku aadan in Turkiga uu ku xad-gudbay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Soomaaliya, kadib markii uu keenay Soomaaliya diyaarado hubeysan oo aan la socon UN-ka, sida uu sheegay Nordic Monitor.

4/27/2023 1:58 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Ka bixitaanka Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa billaaban doonta bartamaha sanadkan, sida ay sheegeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

4/27/2023 1:54 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu ka ga qeyb galayo shir madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb qaadanayaan xasilinta iyo nabadda Soomaaliya ee ATMIS, iyadoona dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigi doonto sida ay uga go'an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhamaadka sanadka soo socda ee 2024.