9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2023
Warmurtiyeed kasoo baxay shir madaxeedka dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya

Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Hogaamiyayaasha waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa isku raacay in la sii wado dhimista ciidamada, iyadoo ku dhawaad 2,000 oo askari ay dalka ka baxayaan bishii June, ayna ku xigaan 3,000 oo kale.

Hogaamiyeyaasha oo ku shirsanaa Kampala ayaa ku booriyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu ka fiirsado qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa isku raacay in ciidamada ATMIS ay gabi ahaanba Soomaaliya ka baxaan dhamaadka sanadka 2024, si ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ula wareegaan masuuliyadda amni ee dalka.

Waxay kaloo ku baaqeen in la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Madaxda ayaa bogaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab, dagaalkaas oo sababay in laga xoreeyo degaano ay muddo maamulayeen.

War muriyeedka ayaa ugu dambayn hoosta looga xariiqay ahmiyadda qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed, & Midnimada Soomaaliya.












Click here
4/27/2023 1:49 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah oo Maanta ka dhacay deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan.

4/27/2023 11:24 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa la sheegay in laga reebay tartanka kubadda Cagta qaramada qaaradda Afrika ee U17.

4/27/2023 8:03 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxay maanta ku meel mariyeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo loo magacaabay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya.

4/27/2023 7:35 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Uganda, Abubaker Jeje Odongo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhimista ciidamadeeda ka hoos shaqeeya Midowga Afrka ee ku sugan Soomaaliya.

4/27/2023 7:32 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa odayaasha Muqdisho uga yimid dhexdhexaadina xukuumada Somaliland iyo garaadada SSC ku tilmaamay qaar aan dhexdhexaad ahayn.

4/27/2023 5:56 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay in ay xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da, kadib markii ay joojisay wadashaqayntii idaacada 19, July, 2022.

4/27/2023 2:06 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay baaristooda ku aadan in Turkiga uu ku xad-gudbay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Soomaaliya, kadib markii uu keenay Soomaaliya diyaarado hubeysan oo aan la socon UN-ka, sida uu sheegay Nordic Monitor.

4/27/2023 1:58 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Ka bixitaanka Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa billaaban doonta bartamaha sanadkan, sida ay sheegeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

4/27/2023 1:54 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu ka ga qeyb galayo shir madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb qaadanayaan xasilinta iyo nabadda Soomaaliya ee ATMIS, iyadoona dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigi doonto sida ay uga go'an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhamaadka sanadka soo socda ee 2024.