9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2023
Uganda oo sheegtay inay ka go’an tahay inay dhinto ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya
 

Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Uganda, Abubaker Jeje Odongo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhimista ciidamadeeda ka hoos shaqeeya Midowga Afrka ee ku sugan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shirka Wasiirada ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Kampala.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo wufuudda ka kala socota Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, safiirro iyo wakiilo ka socda Midowga Afrika, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wasiir Odongo ayaa sheegay in Uganda ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto raadinta nabadda, amniga iyo xasiloonida wuxuuna ku ammaanay dowladda Soomaaliya abaabulka ciidamada si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Uganda waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee ciidammo u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007-dii oo ay gacan ka geystaan soo celinta nabadda dalka. Bishii hore, 2,900 oo askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si guul ah loogu soo gabagabeeyeyay tababarkooda ciidan ee Uganda,” ayuu yidhi Odongo.

Wuxuu intaa ku daray in dufcad kale oo ka kooban 3,000 oo askari ay bilaabeen tababarkooda taas oo qayb ka ah dadaalka, si loo abuuro ciidamo XDS si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga ka dib dhimista atmis.

Alhaji Sarjoh M.Bah, oo ah agaasimaha maaraynta khilaafaadka ee Midowga Afrika ayaa sheegay in Midowga Afrika uu weli jiro fulinta wax ku ool ah ee qorshaha hoos u dhigista ciidamada ATMIS.

Alhaji Sarjoh ayaa bogaadiyay dadaalka ay wadaan ciidamada ammaanka oo ay gacan ka siiyeen dadka deegaanka beelaha si ay si wadajir ah ula dagaalamaan Al-Shabaab.












Click here
4/27/2023 1:49 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah oo Maanta ka dhacay deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan.

4/27/2023 1:11 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Hogaamiyayaasha waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa isku raacay in la sii wado dhimista ciidamada, iyadoo ku dhawaad 2,000 oo askari ay dalka ka baxayaan bishii June, ayna ku xigaan 3,000 oo kale.

4/27/2023 11:24 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa la sheegay in laga reebay tartanka kubadda Cagta qaramada qaaradda Afrika ee U17.

4/27/2023 8:03 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxay maanta ku meel mariyeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo loo magacaabay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya.

4/27/2023 7:32 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa odayaasha Muqdisho uga yimid dhexdhexaadina xukuumada Somaliland iyo garaadada SSC ku tilmaamay qaar aan dhexdhexaad ahayn.

4/27/2023 5:56 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay in ay xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da, kadib markii ay joojisay wadashaqayntii idaacada 19, July, 2022.

4/27/2023 2:06 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay baaristooda ku aadan in Turkiga uu ku xad-gudbay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Soomaaliya, kadib markii uu keenay Soomaaliya diyaarado hubeysan oo aan la socon UN-ka, sida uu sheegay Nordic Monitor.

4/27/2023 1:58 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Ka bixitaanka Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa billaaban doonta bartamaha sanadkan, sida ay sheegeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

4/27/2023 1:54 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu ka ga qeyb galayo shir madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb qaadanayaan xasilinta iyo nabadda Soomaaliya ee ATMIS, iyadoona dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigi doonto sida ay uga go'an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhamaadka sanadka soo socda ee 2024.