9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2023
Faysal Cali Waraabe oo odayaasha Muqdisho uga yimid arrinta Laascaanood ugu baaqay in ay iska noqdaan
 

Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa odayaasha Muqdisho uga yimid dhexdhexaadina xukuumada Somaliland iyo garaadada SSC ku tilmaamay qaar aan dhexdhexaad ahayn.

Guddoomiyaha ayaa odayaasha dhexdhexaadinta u socda ugu baaqay in ay iska noqdaan, isaga oo sheegay in anay daacad ka ahayn dhexdhexaadinta.

"Umad is qabatay in la dhexdhexaadiya waa mid meesha ku jirta, nimanka waxa ka xumaday wadada, halkay soo mareen waad ogtihiin, Garoowe ayay ka dageen, Garoowe ma Somaliland baa ... nimankaasi in anay sulux wadin ayaaanu u aragnaa" ayuu yidhi Waraabe.

Dhinaca kale, garaadada ayuu ugu baaqay in ay nabada qaataan, isla markaana waxa uu xusay in dhibaatada jirta ay tahay mid uu sababay madaxweyne Biixi, isaguna uu doorasho ku tagi doono, shacabka Laascaanood iyo Somaliland-na ay heshiin doonaan.

Waxa uu sheegay in hadalka odhanaya ciidamada Somaliland ha laga durkiyo Laascaanood uu meel ka dhacyahay, isla markaana loo bahanyahay in labada ciidamo beeleedka soo gurmaday la saaro.

Ugu danbayn, madaxweynaha ayuu ugu baaqay in uu jeexo wadadii doorashada loo mari lahaa, isla markaana uu shirciga ilaaliyo si looga baxo mid kamid ah culaysyada Somaliland haysta oo doorashada ah.












Click here
4/27/2023 1:49 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah oo Maanta ka dhacay deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan.

4/27/2023 1:11 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Hogaamiyayaasha waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa isku raacay in la sii wado dhimista ciidamada, iyadoo ku dhawaad 2,000 oo askari ay dalka ka baxayaan bishii June, ayna ku xigaan 3,000 oo kale.

4/27/2023 11:24 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa la sheegay in laga reebay tartanka kubadda Cagta qaramada qaaradda Afrika ee U17.

4/27/2023 8:03 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxay maanta ku meel mariyeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo loo magacaabay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya.

4/27/2023 7:35 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Uganda, Abubaker Jeje Odongo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhimista ciidamadeeda ka hoos shaqeeya Midowga Afrka ee ku sugan Soomaaliya.

4/27/2023 5:56 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay in ay xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da, kadib markii ay joojisay wadashaqayntii idaacada 19, July, 2022.

4/27/2023 2:06 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay baaristooda ku aadan in Turkiga uu ku xad-gudbay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Soomaaliya, kadib markii uu keenay Soomaaliya diyaarado hubeysan oo aan la socon UN-ka, sida uu sheegay Nordic Monitor.

4/27/2023 1:58 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Ka bixitaanka Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa billaaban doonta bartamaha sanadkan, sida ay sheegeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

4/27/2023 1:54 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu ka ga qeyb galayo shir madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb qaadanayaan xasilinta iyo nabadda Soomaaliya ee ATMIS, iyadoona dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigi doonto sida ay uga go'an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhamaadka sanadka soo socda ee 2024.