9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2023
Somaliland oo xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da

Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay in ay xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da, kadib markii ay joojisay wadashaqayntii idaacada 19, July, 2022.

Kulan dhexmaray madaxda Wasaarada Warfaafinta Somaliland iyo madax ka socotay idaacada BBC-da ayaa horseeday in xukuumadu ay ogolaato in dib loo sii daayo idaacada oo muddo sannad ku dhow ay xayiraadi ka saarnayd deeggaanadda Somaliland.

"Wadahadal iyo kulamo dheer oo aanu wada yeelanay BBC qayteeda Afka-Soomaaliga, kulamadaas oo aanu ku qaadanay xarunta wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ... waxaanu isla meel dhignay khilaafkii soo taxnaa" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeda ay wasaarada warfaafintu soo saartay.

Somaliland ayaa BBC-da ku eedaysay dhexdhexaadnimo la'aan iyo in ay faafiso kali ah dhaliilaha Somaliland isla markaana ay hoos u dhigto wanaagyadeeda, iyo in anay shaqaalaysiin dhallinyarada reer Somaliland.

Cabashada kadib Somaliland ayaa albaabada isugu dhufatay dhamaan xafiisyadii BBC-da ee magaalada Hargaysa, waxaana hawada ka baxay dhagaysiga guud ahaan BBC World Service iyo laanta Afka-Soomaaliga ee deeggaanadda Somaliland.

BBC-da ayaa kamid ah idaacadaha loogu dhagaysiga badanyahay Somaliland iyo guud ahaanba gayiga ay Soomaalidu dagto, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay idaacadan muddo dheer warka ka heli jireen, aadna ugu kalsoonaayeen.













Click here
4/27/2023 1:49 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah oo Maanta ka dhacay deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan.

4/27/2023 1:11 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Hogaamiyayaasha waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa isku raacay in la sii wado dhimista ciidamada, iyadoo ku dhawaad 2,000 oo askari ay dalka ka baxayaan bishii June, ayna ku xigaan 3,000 oo kale.

4/27/2023 11:24 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa la sheegay in laga reebay tartanka kubadda Cagta qaramada qaaradda Afrika ee U17.

4/27/2023 8:03 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxay maanta ku meel mariyeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo loo magacaabay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya.

4/27/2023 7:35 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Uganda, Abubaker Jeje Odongo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhimista ciidamadeeda ka hoos shaqeeya Midowga Afrka ee ku sugan Soomaaliya.

4/27/2023 7:32 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa odayaasha Muqdisho uga yimid dhexdhexaadina xukuumada Somaliland iyo garaadada SSC ku tilmaamay qaar aan dhexdhexaad ahayn.

4/27/2023 2:06 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay baaristooda ku aadan in Turkiga uu ku xad-gudbay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Soomaaliya, kadib markii uu keenay Soomaaliya diyaarado hubeysan oo aan la socon UN-ka, sida uu sheegay Nordic Monitor.

4/27/2023 1:58 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Ka bixitaanka Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa billaaban doonta bartamaha sanadkan, sida ay sheegeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

4/27/2023 1:54 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu ka ga qeyb galayo shir madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb qaadanayaan xasilinta iyo nabadda Soomaaliya ee ATMIS, iyadoona dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigi doonto sida ay uga go'an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhamaadka sanadka soo socda ee 2024.