9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2023
Qaramada Midoobay oo sheegtay in Turkiga uu ku xad-gudbay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya
 

Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay baaristooda ku aadan in Turkiga uu ku xad-gudbay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Soomaaliya, kadib markii uu keenay Soomaaliya diyaarado hubeysan oo aan la socon UN-ka, sida uu sheegay Nordic Monitor.

Sida laga soo xigtay guddiga khubarada arrimaha Soomaaliya ee u kuurgala xaaladda colaadeed ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Turkigu waxaa lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay cunno-qabteynta hubka ee Qaramada Midoobay, kaddib markii uu Soomaaliya keenay diyaaradaha Drones-ka ee Bayraktar oo hubaysan, kuwaasoo ay farsamaysay shirkad ay leeyihiin qoyska Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Xogta sirta ah ee ay heleen baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa tilmaamaya in Turkiga uu Muqdisho soo gaarsiiyay diyaaradaha Bayraktar TB2 December 6, 2021 iyada oo lagu daabulay laba diyaaradood oo nooca xamuulka qaada ah ee Airbus A400M oo ay maamulaan ciidamada cirka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa lagu eedeeyay inay ku guuldareysatay inay u gudbiso Qaramada Midoobay warbixin daahfuran ka hor inta aysan dirin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inkastoo ay xaqiiqadu tahay in qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si cad u qeexayo ogolaanshahan ka hor inta aan wax hub ah la keenin Soomaaliya.

Turkiga oo ka jawaabaya warqado baaritaan ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa ku andacoonaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay geeyeen saldhigga Turkiga ee Muqdisho, ujeedkuna uu yahay ka qeyb qaadashada dagaalka lagula jiro argagixisada.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in saraakiil Soomaali ah uu tababar ku saabsan habka loo isticmaalo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uga socday dalka Turkiga horraantii bishii Maarso ee sannadkii 2021-ka, waxaana la sheegay in gacanta loo galiyay shan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, taasoo caqabad ku noqotay sheekada rasmiga ah ee dowladda Turkiga ee ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Soomaaliya jooga loogu talagalay in ay isticmaalaan ciidamada Turkiga ee Soomaaliya.

Kooxaha Qaramada Midoobay ayaa kormeeray oo diiwaan-galiyay hubka iyo rasaasta ay dowladda Soomaaliya si rasmi ah u soo dejisay tan iyo markii qayb ka mid ah laga qaaday cunno-qabteynta hubka sannadkii 2013-kii.

Soomaaliya ayaa heshay ilaa 27,000 oo hub ah iyo 80.1 milyan oo rasaas ah, oo ay ku jiraan ilaa 70,000 oo RPG-7, tan iyo 2013kii.












Click here
4/27/2023 1:49 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah oo Maanta ka dhacay deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan.

4/27/2023 1:11 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Hogaamiyayaasha waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa isku raacay in la sii wado dhimista ciidamada, iyadoo ku dhawaad 2,000 oo askari ay dalka ka baxayaan bishii June, ayna ku xigaan 3,000 oo kale.

4/27/2023 11:24 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa la sheegay in laga reebay tartanka kubadda Cagta qaramada qaaradda Afrika ee U17.

4/27/2023 8:03 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxay maanta ku meel mariyeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo loo magacaabay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya.

4/27/2023 7:35 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Uganda, Abubaker Jeje Odongo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhimista ciidamadeeda ka hoos shaqeeya Midowga Afrka ee ku sugan Soomaaliya.

4/27/2023 7:32 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa odayaasha Muqdisho uga yimid dhexdhexaadina xukuumada Somaliland iyo garaadada SSC ku tilmaamay qaar aan dhexdhexaad ahayn.

4/27/2023 5:56 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay in ay xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da, kadib markii ay joojisay wadashaqayntii idaacada 19, July, 2022.

4/27/2023 1:58 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Ka bixitaanka Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa billaaban doonta bartamaha sanadkan, sida ay sheegeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

4/27/2023 1:54 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu ka ga qeyb galayo shir madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb qaadanayaan xasilinta iyo nabadda Soomaaliya ee ATMIS, iyadoona dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigi doonto sida ay uga go'an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhamaadka sanadka soo socda ee 2024.