9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2023
Ka bixitaanka ciiidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo billaabanaysa sanadkan
 

Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Ka bixitaanka Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa billaaban doonta bartamaha sanadkan, sida ay sheegeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Sida ku cad Qaraarka 2670 (2022), Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu si wada jir ah u taageeray go'aanka Midowga Afrika ee ah in la qaato hab istiraatijiyadeed oo ku aaddan dhimista ATMIS iyo ilaalinta taariikhda bixitaanka ATMIS ee 31ka Diseembar 2024.

Kulan ay magaalada Kampala ku yeelanayaan mas’uuliyiinta dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa lagu qiimeyn doonaa sida ay ugu diyaarsan yihiin ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan ciidamada Midowga Afrika, iyadoo la eegayo dhinacyada ugu muhiimsan oo ay ka mid yihiin abuurista ciidamada iyo taageerada saadka.

Dalalka ciidamadooda iyo agabka ay ku bixinayaan howlgalka ayaa kala ah Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda.

Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), waa hawlgal dhinacyo badan leh (militari, boolis iyo rayid), waxaana oggolaaday Midowga Afrika, waxaana u xilsaaran Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.












Click here
4/27/2023 1:49 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah oo Maanta ka dhacay deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan.

4/27/2023 1:11 PM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Hogaamiyayaasha waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa isku raacay in la sii wado dhimista ciidamada, iyadoo ku dhawaad 2,000 oo askari ay dalka ka baxayaan bishii June, ayna ku xigaan 3,000 oo kale.

4/27/2023 11:24 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa la sheegay in laga reebay tartanka kubadda Cagta qaramada qaaradda Afrika ee U17.

4/27/2023 8:03 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxay maanta ku meel mariyeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo loo magacaabay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya.

4/27/2023 7:35 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Uganda, Abubaker Jeje Odongo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhimista ciidamadeeda ka hoos shaqeeya Midowga Afrka ee ku sugan Soomaaliya.

4/27/2023 7:32 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa odayaasha Muqdisho uga yimid dhexdhexaadina xukuumada Somaliland iyo garaadada SSC ku tilmaamay qaar aan dhexdhexaad ahayn.

4/27/2023 5:56 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay in ay xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da, kadib markii ay joojisay wadashaqayntii idaacada 19, July, 2022.

4/27/2023 2:06 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay baaristooda ku aadan in Turkiga uu ku xad-gudbay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Soomaaliya, kadib markii uu keenay Soomaaliya diyaarado hubeysan oo aan la socon UN-ka, sida uu sheegay Nordic Monitor.

4/27/2023 1:54 AM EST
Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu ka ga qeyb galayo shir madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb qaadanayaan xasilinta iyo nabadda Soomaaliya ee ATMIS, iyadoona dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigi doonto sida ay uga go'an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhamaadka sanadka soo socda ee 2024.