9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2023
Somaliland: Ganacsade Carbeed iyo xubno kamid ah qoyskiisa oo ku geeriyooday shil baabuur

Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Ganacsade Yemeni ah iyo 3 qof oo qoyskiisa ka mid ahaa ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay wadada isku xidha Hargaysa iyo Berbera.

Saami Al Xaydari oo ahaa nin ganacsade ah oo Yemeni ah, oo aad looga yaqaanay magaalada Hargaysa, xaaskiisii, ilmo yar oo uu dhalay iyo gabadh kale oo ay qaraabo ahaayeen ayaa ku geeriyooday shilka.

Al Xaydari iyo xubnaha qoyskiisa ayaa aas loogu sameeyay magaalada Hargaysa, isla markaana dadka aaska kasoo qaybgalay oo ay ku jireen masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa ka hadlay shakhsiyadii Al Xaydari.

"Nin dadka oo dhan u dhow ayuu ahaa, oo markasta oo lala kulmo, waji san, walaalnimo iyo cibaado ayuu lahaa, masiibada ku timid qoyska dhan, waxan ka codsanayaa dhamaan wixii codkaygu gaadho in ay taageero usoo fidiyaan" Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Cabdirisaaq Xuseen Albaani oo aaska kasoo qaybgalay ayaa sida yidhi.

Dhibaatada ay shilalku gaystaan ayaa sannadkasta kor u kacda xiliyada lagu jira munaasibadaha ciida, oo ay dadku safaro dalxiis u badan sameeyaan.

Xukuumada Somaliland ayaa digniin kasoo saartay khatarta ay baabuurta tirada badan ee safarada loo adeegsado xiliyada munaasibaduhu ay sababi karaan.













Click here
4/26/2023 10:15 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Midowga Yurub ayaa uga dhawaaqay magaalada Muqdisho inuu ka fulinayo deegaano ka tirsan gobolada dalka Mashruuc ku kacaya aduun lacageed oo gaaraya 4.5 Milyan oo Yuuro.

4/26/2023 7:54 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta galin dambe u safro magaalada Kampala si uu uga qeyb galo shir madaxeedka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

4/26/2023 4:55 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Difaaca Uganda, Ms Rosette Byengoma iyo dhiggeeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda, Vincent Bagiire, ayaa si wadajir ah u shir guddoominayay kulan ay isugu yimaadeen Xoghayeyaasha Joogtada ah, taliyeyaasha Ciidamada Difaaca iyo Saraakiil Sare oo ka socday dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ku jira howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

4/26/2023 4:06 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay qeyb ka mid ah muwaadiniintii ugu horeysay ee laga soo daad gureeyay dalka Suudaan.

4/26/2023 3:22 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Hal qof ayaa dhintay 2 kalena way dhawacmeen kadib markii uu guri qadiimi ah oo ku yaala xaafada Daaroole ee magaalada Berbera ku dumay qoyskii daganaa.

4/26/2023 1:14 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Puntland ayaa soo saartay digniin ku saabsan Roobab xooggan oo la sheegay inay degaanada maamulkaas kusoo beegan yihiin maalmaha u dhaxeeya 24 ilaa 30 April.