9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2023
Midowga Yurub oo ku dhawaaqay inuu ka fulinayo Soomaaliya Mashruuc ku kacaya 4.5 Milyan oo Yuuro
 

Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Midowga Yurub ayaa uga dhawaaqay  magaalada Muqdisho inuu ka fulinayo deegaano ka tirsan gobolada dalka Mashruuc ku kacaya aduun lacageed oo gaaraya 4.5 Milyan oo Yuuro.

Mashruucaan ayaa ah mid loog talo galay xasilinta deegaanada iyo degmooyinka laga xureeyay Ururka Al-shabaab ee ku yaala gobolada dalka, gaar ahaan deegaanada maamulada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ayaa mashruucaan looga hirgalinaya qodista Ceelal biyoodyo, dhismaha saldhigyo Boolis ah, rakibidda layrarka Cadceedda ku shaqeeya iyo waliba qabashada kulamo dib u heshiisiin ah oo loo sameenayo dadka ku nool deegaannada laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa la tilmaamay in wajigiisa koowaad laga bilaabayo magaalooyinka kala ah Xarardheere, Ceeldheer, Maxaas, Matabaan, Teedaan, Raage ceele iyo Aadan Yabaal oo dhamaantood ah deegaanadii Al-shabaab laga xureeyay, islamarkaana ka tirsan maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.












Click here
4/26/2023 12:46 PM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Ganacsade Yemeni ah iyo 3 qof oo qoyskiisa ka mid ahaa ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay wadada isku xidha Hargaysa iyo Berbera.

4/26/2023 7:54 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta galin dambe u safro magaalada Kampala si uu uga qeyb galo shir madaxeedka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

4/26/2023 4:55 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Difaaca Uganda, Ms Rosette Byengoma iyo dhiggeeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda, Vincent Bagiire, ayaa si wadajir ah u shir guddoominayay kulan ay isugu yimaadeen Xoghayeyaasha Joogtada ah, taliyeyaasha Ciidamada Difaaca iyo Saraakiil Sare oo ka socday dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ku jira howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

4/26/2023 4:06 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay qeyb ka mid ah muwaadiniintii ugu horeysay ee laga soo daad gureeyay dalka Suudaan.

4/26/2023 3:22 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Hal qof ayaa dhintay 2 kalena way dhawacmeen kadib markii uu guri qadiimi ah oo ku yaala xaafada Daaroole ee magaalada Berbera ku dumay qoyskii daganaa.

4/26/2023 1:14 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Puntland ayaa soo saartay digniin ku saabsan Roobab xooggan oo la sheegay inay degaanada maamulkaas kusoo beegan yihiin maalmaha u dhaxeeya 24 ilaa 30 April.