9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka madaxeedka ATMIS ee Kampala

Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta galin dambe u safro magaalada Kampala si uu uga qeyb galo shir madaxeedka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu qiimeynayaa guulaha laga gaaray fulinta waajibaadka ATMIS, dib u eegista qorshaha dhimista ATMIS, iyo u hoggaansanaanta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCRs) 26/70 (2022) iyo 26/28.

Saraakiil farsamo oo ka socda dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya oo ka kooban Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, iyo Uganda, ayaa bilaabay kulamo loogu diyaargaroobayo shir madaxeedka.

Dhacdadan ayaa daba socota codsigii madaxweyne Xasan Sheikh ee ku aaddanaa in madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni uu martigeliyo shir aan caadi ahayn intii lagu guda jiray shir-madaxeedkii hoggaamiyeyaasha Afrika ee Mareykanka ee ka dhacay Washington DC December 2022.

Shir-madaxeedkan waxaa ka horreeyay shirar ay yeesheen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Xoghayeyaasha Joogtada ah, iyo Kulanka heer Wasiir ATMIS, dalalka (TCC) iyo Dowladda Soomaaliya, kaasoo dhacay  25-kii iyo 26-kii Abriil.












Click here
4/26/2023 12:46 PM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Ganacsade Yemeni ah iyo 3 qof oo qoyskiisa ka mid ahaa ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay wadada isku xidha Hargaysa iyo Berbera.

4/26/2023 10:15 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Midowga Yurub ayaa uga dhawaaqay magaalada Muqdisho inuu ka fulinayo deegaano ka tirsan gobolada dalka Mashruuc ku kacaya aduun lacageed oo gaaraya 4.5 Milyan oo Yuuro.

4/26/2023 4:55 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Difaaca Uganda, Ms Rosette Byengoma iyo dhiggeeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda, Vincent Bagiire, ayaa si wadajir ah u shir guddoominayay kulan ay isugu yimaadeen Xoghayeyaasha Joogtada ah, taliyeyaasha Ciidamada Difaaca iyo Saraakiil Sare oo ka socday dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ku jira howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

4/26/2023 4:06 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay qeyb ka mid ah muwaadiniintii ugu horeysay ee laga soo daad gureeyay dalka Suudaan.

4/26/2023 3:22 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Hal qof ayaa dhintay 2 kalena way dhawacmeen kadib markii uu guri qadiimi ah oo ku yaala xaafada Daaroole ee magaalada Berbera ku dumay qoyskii daganaa.

4/26/2023 1:14 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Puntland ayaa soo saartay digniin ku saabsan Roobab xooggan oo la sheegay inay degaanada maamulkaas kusoo beegan yihiin maalmaha u dhaxeeya 24 ilaa 30 April.