9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2023
Waddamada Ciidamada ATMIS ku deeqay oo lagu ammaanay dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya
 

Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Difaaca Uganda, Ms Rosette Byengoma iyo dhiggeeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda, Vincent Bagiire, ayaa si wadajir ah u shir guddoominayay kulan ay isugu yimaadeen Xoghayeyaasha Joogtada ah, taliyeyaasha Ciidamada Difaaca iyo Saraakiil Sare oo ka socday dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ku jira howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Shirkan ayaa looga dooday warbixinno farsamo oo lagu meel marindoono shirka ay yeelanayaan madaxweynayaasha dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo berito magaalada Kampala.

Shirka ayaa lagu bogaadiyay dalalka ciidamada ATMIS ku deeqay, kuwaas oo lagu ammaanay inay door muhiim ah ka qaateen nabadda, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, ayna ka qeyb qaateen isbadalka siyaasadda, tababarada iyo in la xoreeyay goobihii ay maamulayeen Al-Shabaab.

Xoghayayaasha joogtada ah ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay dadaallo wadajir ah oo heer gobol ah oo ku aaddan la dagaallanka khatarta argagixisada.

"Khatarta argagixisanimadu ma garanayso xuduudaha, waxaana waajib ku ah gobolka in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loola dagaalami lahaa, ugu dambeyntiina meesha looga saari lahaa dhammaan kooxaha argagixisada ah iyo xulafadooda," ayuu yiri Mr Bagiire.

Waxa uu ku nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu diyaar garoobo, isla markaana waqti ku habboon loo diyaariyo, geeddi-socodka dhimista ciidamada ATMIS, wuxuuna hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la helo agabka loo baahan yahay marka la fulinayo dhimista ciidamada.












Click here
4/26/2023 12:46 PM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Ganacsade Yemeni ah iyo 3 qof oo qoyskiisa ka mid ahaa ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay wadada isku xidha Hargaysa iyo Berbera.

4/26/2023 10:15 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Midowga Yurub ayaa uga dhawaaqay magaalada Muqdisho inuu ka fulinayo deegaano ka tirsan gobolada dalka Mashruuc ku kacaya aduun lacageed oo gaaraya 4.5 Milyan oo Yuuro.

4/26/2023 7:54 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta galin dambe u safro magaalada Kampala si uu uga qeyb galo shir madaxeedka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

4/26/2023 4:06 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay qeyb ka mid ah muwaadiniintii ugu horeysay ee laga soo daad gureeyay dalka Suudaan.

4/26/2023 3:22 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Hal qof ayaa dhintay 2 kalena way dhawacmeen kadib markii uu guri qadiimi ah oo ku yaala xaafada Daaroole ee magaalada Berbera ku dumay qoyskii daganaa.

4/26/2023 1:14 AM EST
Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Puntland ayaa soo saartay digniin ku saabsan Roobab xooggan oo la sheegay inay degaanada maamulkaas kusoo beegan yihiin maalmaha u dhaxeeya 24 ilaa 30 April.