4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2023
Puntland oo digniin kasoo saartay roobab culus oo kusoo wajahan degaanadeeda
 

Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Puntland ayaa soo saartay digniin ku saabsan Roobab xooggan oo la sheegay inay degaanada maamulkaas kusoo beegan yihiin maalmaha u dhaxeeya 24 ilaa 30 April.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Puntland, ayaa lagu sheegay in robabkani ay kusoo wajahan yihiin, magaalooyinka Qardho, Qandala, Ufayn iyo buuraleyda Calmiskaad.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in roobabku kusoo beegan yihiin degaanada ku teedsan xeebaha badweynta Hindiya, iyo badda cas ee deegaanada Puntland.

Wasaaraddu waxay ku wargalisay bulshada ku dhaqan degaanadaas inay ka digtoonadaan meelaha biyo mareenka ah miyi iyo magaalaba, si looga fogaado khatarta ka dhalan karta roobabkas oo la filayo maalmaha soo socda.

Cabsida ugu weyn ayaa laga dareemayaa magaalada qardho oo labadii sano ee ugu dambeysay ay waxyeelo weyn kasoo gaareen daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay degaanada ku hareeraysan.

Magaalada oo kutaala meel biyo mareen ah waxaa labadii sano ee lasoo dhaafay gaaray khasaare weyn oo u badan burbur soo gaaray kaabayaashii magaalada, iyadoo dad badani ay ku cayroobeen, kaddib markii daadadku ka burburiyeen hantidoodii ay ku tiirsanaayeen.