4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2022
Dagaal culus oo maanta mar kale ka billowday degmada Gurra dhamaale ee gobolka Liibaan
 

Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dagaal culus oo Soomaalida iyo Oromada u dhaxeeya, uu saaka mar kale ka qarxay degmada Gurra dhaamoole oo ka tirsan gobolka Liibaan ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dagaalkan oo ku billowday weeraro isdaba xiga oo ay soo qaadeen Ciidamada Liyuu Booliska Oromiya, ayaa xooggiisu waxa uu ka socdaa duleedka degmada Gurra dhaamoole iyo tuulooyin dhawr ah oo hoos taga degmada Gurra dhaamoole.

Lama ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalkan saaka, balse waxaa lasoo sheegayaa inay khasaare nafeed.

Wali wax war ah kama soo bixin dhanka maamulka dowlad degaanka Soomaalida, inkastoo maleeshiyaadka degmada Gurra dhaamoole iyo shacabka degmadaas ay iska caabin sameeyeen.

Waa markii labaad ee muddo toddobaad ah uu dagaal ku dhex maro degmadan Soomaali iyo Oromo, iskudayo badan oo la rabo in lagu xalliyo colaaddana maysan noqon kuwo hirgala.