11/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya oo wada gaaray heshiis is-afgarad ah
 

Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo raysal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed oo muddo labo maalmood ah wada hadal uga socday magaalada Addis Ababa ayaa gaaray heshiis is-afagarad ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh. ayaa isku afgartay in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, xoojinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka gobolka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya

labada hoggaamiye ayaa isla qaatay qodobadan hoos ku xusan:-

1. In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.

2. Waxay ku celiyeen go'aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisadda iyo Xag-jirnimada, waxa ayna fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.

3. Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu dambeeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen Al Shabaab.

4. Madaxdu waxay ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

5. Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.

Si taas loo gaaro, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la iska kaashado golayaasha loo dhan yahay iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado danaha guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.

6. Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda nabadda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

7. Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka cimilada, khatarna ku ah nolosha dadka deegaanka.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen saaxiibada caalamiga ah in ay sii wadaan taageerada bulshooyinka ay abaartu saameysey.

8. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay'adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Labada hoggaamiye waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ballaarinta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo siyaasadda.

10. Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada dawladda in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.












Click here
9/30/2022 8:47 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka oo ku geeriyooday Qarax miino oo lagula eegtay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

9/30/2022 7:33 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay iyagoo ku sugnaa goob Ceel biyood laga qodayay oo kutaala deegaanka Gariley oo u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

9/30/2022 5:31 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Taliyihii ciiddanka Booliiska gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa ku geeriyooday qarax miino oo lagula eegtay deegaanka Basra, halkaas oo saakay ciidamada dowladda kala wareegeen Alshabaab.

9/30/2022 4:44 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dagaal culus oo Soomaalida iyo Oromada u dhaxeeya, uu saaka mar kale ka qarxay degmada Gurra dhaamoole oo ka tirsan gobolka Liibaan ee dowlad degaanka Soomaalida.

9/30/2022 4:38 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in shan dagaalame oo katirsan kooxda Alshabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ciidamada dowladdu kula wareegeen tuulada Basra ee gobolka Shabeeladda dhexe.

9/30/2022 4:20 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha Ahlu sunna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya kula jiraan wada hadal ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Alshabaab.

9/30/2022 2:12 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamadu howlgal qorsheysan ay hiirtii waaberi ka fuliyeen Basra.

9/30/2022 1:34 AM EST
Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federalka Soomaaliya Saleeebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya dabagal ku hayso shaqsiyaad ku eedeysan inay maalgalin u sameeyaan kooxda Alshabaab.