4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 28, 2022
Hiiraan : Dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Ceel biyood Al-shabaab Sumeeyeen
 

Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel jiqoow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laba ruux oo ka mid ahaa dadka deegaankaasi ay u geeriyooday biyo sumeysan oo ay ka cabeen Ceel biyoodkii deegaanka Ceel jiqoow.

Allah u naxariiste labada ruux ee cabay biyaha sumeysan ayaa lagu kala magacaabi jiray Saneey Abiikar Aadan Iyo Maxamed Uul Nuur, waxaana sidoo kale biyahaasi sumeysan ku waxyeeloobay ilaa shan ruux oo kale oo haatan lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad Isbitaalka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ceel biyoodka deegaanka Ceel jiqoow oo ay bishaan gudaheeda qarxiyeen Al-shabaab ayaa dib u hagaajintiisa dadka deegaanka maalmahii lasoo dhaafay ay ku howlanayeen, waxaana qof ka mid ah dadka deegaanka uu sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay Ceelka sumeyeen xili laga kala maqnaa, taasina ay keentay in labada ruux dhintaan shan kalana ay ku sumoobeen biyaha Ceelka deegaanka Ceel jiqoow.

Dhinaca kale warar naga soo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo dhawaan ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleey ay la wareegeen ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowladda uu toogasho ku dilay wiil yar oo ka mid ahaa dadka ku nool degmada Moqokori, islamarkaana anaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka wiilka yar oo ku sugnaa Ceel biyoodka degmadaaasi.