4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 28, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho ku yimid magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya
 

Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole kusoo dhaweeyay Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiyi Axmed.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxaa la filayaa inay labada masuul ay ka wada hadlaan xaaladaha labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashan maanta ayaa ah tii u horreysay ee nooceeda ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku yimaaddo dalka Itoobiya, tan iyo intii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya saddex bilood ka hor.

Abiyi Axmed ayaa kamid ahaa masuuliyiintii u horreysay ee u hambalyeeya Xasan Sheekh Maxamuud xilligii loo doortay Madaxwaynaha Soomaaliya.