4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 28, 2022
Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay 150 Qarax oo Shabaab u qorsheeyeen Puntland iyo Somaliland
 

Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 150 qarax oo Alshabaab u qorsheynaysay inay weerarro uga geysato magaalooyinka Puntland iyo Somaliland.

Taliyaha ciiddanka Booliiska Puntland ee gobolka Mudug, gaashaanle sare, Muumin Cabdi Shirre ayaa warkaas saxaafadda ka sheegay, isagoo sheegay inay fashiliyeen 2 shakabad oo qaraxyadaas u xilsaarnaa.

Dhinaaca kale, taliyaha ciiddanka Booliiska gobolka Mudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dhammaan dadkii fuliyay saddexdii dil ee dhawaan Alshabaab ay ka geysteen magaaalda Gaalkacyo.

Gaashaanle sare, Muumin Cabdi Shirre wuxuu sheegay Alshabaab inay dilalkaas ugu talo galeen inay beelaha isaga horkeenaan oo collaad dhex dhigaan.

“Alshabaab waxay dileen saddex qof. Labo qof oo kamid ah waxay ula jeedeen inay dadka isku dhuftaan. Nin nabaddoon ah baa la dilay. Ujeeddada laga lahaa waxay ahayd in beel kale dusha loo saaro,’ ayuu yidhi, taliyaha booliiska gobolka Mudug.

Muumin Cabdi Shirre wuxuu sheegay Puntland inay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato howgallada Galmudug ka socda ee Shabaab looga xoraynayo dhulka ay haysteen.