4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 28, 2022
Maraykanka oo warbixin kasoo saaray khasaaraha ka dhasha duqeymaha cirka ee dalal ay Soomaliya ku jirto
 

Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Maraykanka ayaa soo saaray warbixin sannadle ah oo uu ku qiimeynayo khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara  duqeymaha laga soo billaabo 2021.

Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegtay in 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay guud ahaan Afghanistan, Iraq, Soomaaliya iyo Syria.

Pentagon waxay sheegtay Soomaaliya in aan dad rayid ah lagu dilin 2021, balse 3 ayaa lagu dhaawacay hal weerar.

Saddexda qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii uu Jan. 1, 2021, Mareykanku duqeyn cirka ah ka fuliyay deegaanka Kunyo Barrow oo Shabeeladda hoose ah.

"Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Afrika waxay taageerayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo dadaalka caalamiga ah ee lagula dagaallamayo ururada xagjirka ah sida al-Shabaab, oo ah urur argagixiso oo xiriir la leh al-Qaacida", ayaa lagu yiri warbixinta.

Weerarrada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa dhaliyay baaritaan ay sameeyeen ciidamada cirka ee Mareykanka.

Madaxii taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka Gen. Frank McKenzie, ayaa raalli galin bixiyay, isagoo qiray inay ahayd khalad dhacay.  

Ma jirto ciidan Maraykan ah oo lagu ciqaabay khasaaraha ka dhashay weerarada cirka ee uu Maraykanku ka geystay dalalka ku xusan warbixintan.

Bishii Ogosto, Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqday qorshe gacan ka geysan doono dhimista tirada dadka rayidka ah ee lagu dilo laguna dhaawaco duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo in si wanaagsan loola tacaalo dhibaatooyinka ka dhasha dhacdooyinkan oo kale.