3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2022
Golaha Guurtida Somaliland oo dib u celiyay xeerarkii doorashada ee losoo gudbiyay
 

Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa dib golaha wakiilada ugu celiyay xeerka guud ee doorashooyinka Xeer Lr 91/2022 iyo  xeerka nidaamka urrurada iyo axsaabta siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

Xeerarkan oo golaha wakiiladu wax ka badal iyo kaabis ku sameyay 19/ September/ 2022, ayaa golaha guurtida losoo gudbiyay 20 September, kadibna sida guurtidu sheegtay 46 xildhibaan oo kasoo horjeeda meel marinta wax ka badalka ayaa dacwad usoo gudbiyay, sidaa darteedna wakiilada ayay dib ugu celiyeen.

Xildhibaannada wax ka badalka kasoo horjeeda, oo sheegay in ay yihiin aqlabiyada golaha wakiilada, ayaa ku dooday in ansixinta wax kabadalka xeerarkan aan la waafajin xeer hoosaadka golaha, isla markaana kooramka golaha oo aan buuxin duuduub lagu ansixiyay.

Hadaba, qoraal ay golaha guurtidu ku faah faahiyeen sababta dib u celinta xeerarkan ayaa lagu yidhi "Markaanu la tashanay garyaqaanka golaha ...waxaanu go'aan sanay in wax ka badalkan khilaafku ka taaganyahay aan la horkeenin golaha dibna loogu soo celiyo golihii wakiilada".

Wax ka badalka xeerarkan ayaa ogolaanaya in la is raacin karo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada, qodobkaas oo ay ka biyo diideen mudanayaasha taageersan in doorashada urruradu soo horayso.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay golaha guurtida oo faah faahsan:-


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
9/26/2022 11:09 AM EST
Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Wararka aan ka helayno gobolka Tigray ee dagaaladu ka socdaan ee dalka ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Itoobiya ay duqeyn u gaysatay gaari waday gargaar raashin oo ku socday gobolka Tigray.

9/26/2022 8:40 AM EST
Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa gargaarkii ugu horeeyay u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee laga xoreeyay kooxda Al shabaab.

9/26/2022 3:40 AM EST
Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Kalfadhiggii 50-aad ee barlamaanka Puntland oo saakay lagu waday inuu dib u furmo si barlamaanka loogusoo bandhigo natiijada la xisaabtanka xukuumada, ayaa si lama filaan ah ku xirmay, kadib markii uu buuq harreeyay.

9/26/2022 3:34 AM EST
Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saakay loogu geystay goobtiisa ganacsi mid ka mid ah ganacsatada Suuqa weyn ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

9/26/2022 2:45 AM EST
Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa khadka taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda iyo kuwa deegaanka ee hoggaaminaya howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

9/26/2022 2:40 AM EST
Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay isaga bixi doonaan Soomaaliya marka uu dhamaado howlgalkooda.

9/26/2022 2:32 AM EST
Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Johanathan Starr oo ah aasaasaha Dugsiga Abaarso ee ku yaal galbeedka Hargaysa iyo Jaamacadda Barwaaqo ee Hargeysa ayaa qaatay diinta Islaamka.