3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2022
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Xerada Nacnaca oo ku taala degmada wadajir ee Magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu dhexgalay dhalinyaro la sheegay iney qoranayeen ku biiritaanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugna afaafka hore ee Xarada Nacnaca, waxaana halkaasi lasoo wariyay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray dhalinyaradii goobta ku sugneyd.

Wali ma cada qaabka uu goobta ku gaaray qofka is qarxiyay, waxaana goobta laga soo sheegaya iney ka socoto gurmad loo sameynayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa Ismiidaaminta ah ee uu fuliyay qofka naftii huraha ah.

Xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan ah mid kacsan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxa Ismiidaaminta ah ee goordhaw ka dhacay Xerada Nacnacada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu qarax noocaan oo kale ah uu ka dhaco Xerada Nacnaca, waxaana horay sidan oo kale qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay dhalinyaro sidaan oo kale qoraneysay ciidanimo.












Click here
9/25/2022 4:40 PM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay inay kooxda Al shabaab ka qabsadeen wax ka badan 10 deegan oo ay maamulayeen 10 kii sano ee la so dhaafay.

9/25/2022 11:31 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa waxay shaacisay in la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay kooxda Alshabaab.

9/25/2022 10:02 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino oo Maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Halgan iyo Garasyaani uu ku geeriyooday Taliyahii saadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee fadhigoodu yahay gobolka Hiiraan Kornel Barre Ceyrow.

9/25/2022 8:42 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeediyay in uu kafiirsado hadaladiisa iyo ficiladiisa ku aadan Somaliland.

9/25/2022 7:19 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Xisbiga Waddani ayaa sheegay in anay ogolayn in madaxweynaha Somaliland loo sameeyo muddo kordhin aan iyaga laga talo galin.

9/25/2022 3:59 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay saakay Al-shabaab kala wareegeen degmada Moqokori oo ka mid ah meelaha Shabaab ku awood badnayeen.

9/25/2022 3:37 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka inay Al-shabaab kala wareegeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Baay.

9/25/2022 2:23 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan haweeney tacaddi ugeysatay gabadh yar, kadib markii muuqaal laga duubay lagu faafiyay baraha bulshada.

9/25/2022 1:53 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - La-taliyaha amniga qaranka, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uusan qorshaha ugu jirin inay hubayso ciidamada Macaawisleyda ee qeybta weyn ka qaadanaya howlgallada dalka looga xoraynayo Alshabaab.