4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2022
Booliiska Soomaaliya oo xiray haweeney loo haysto inay tacaddi u geysatay gabadh 9 jir ah
 

Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan haweeney tacaddi ugeysatay gabadh yar, kadib markii muuqaal laga duubay lagu faafiyay baraha bulshada.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay Shukri Cabdullahi Xaasho oo ah eedeeysanaha, taas oo dusha kaga fadhiday oo garaacaysa gabadha yar oo lagu qiyaasay 9 sano jir.

Eedeysanaha ayaa hadda ku xiran xarunta dambi baarista ee CID ee magaalada Muqdisho, sida lagasoo xigtay afhayeenka ciiddanka Booliiska Soomaaliya, Sadiiq Doodishe.

Lama oga cidda dhashay gabadha, balse dadka deeganka ee degmada Deyniile ayaa sheegaya in ay haweeneyda falka loo haysto ay eeddo u tahay gabadha. Balse si dhab ah looma hubo.

“Waxaan dhawaan shacabka u soo bandhigi doonaa ujeeddada iyo natiijada ka dhalatay baarista kiiskaan,’ ayuu yidhi afhayeenka Booliiska Soomaaliya.