4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 24, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo faray golaha wasiiradda dardargelinta barnaamijka deyn Cafinta
 

Sabti, September, 24, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta shir guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si weyn uga hadlay hanaanka deyn cafinta ay u leedahay horumarka dalka.

Raysal wasaare Xamse ayaa golaha wasiiradda Xukuumaddiisa ku booriyay iney xoogga saaraan sidii loo dhameystiri lahaa dhamaan sharciyada hortabinta u leh deyn cafinta si loo horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya ugu dambeyn bisha Decembar ee sanadkan 2022.

“Waxaan doonaya inaan xoojino isla xisaabtanka iyo hufnaanta oo qeyb weyn ka qaadanayso qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxaana dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta aan faraya iney si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda oo aysan ka dib dhicin waqtiga lagu balamay in la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, waa inaan masuuliyad iska saarna inaan dhowrno sharafka shacabka Soomaaliyeed, sida aan masuuliyada isaga saarnay inaan ka dul qaadno cadawga Al-shabaab” Ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale faray golahiisa wasiiradda iney la dagaalamaan wax kasta oo musuqmaasuq keeni kara si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseed u noqon karta iney sare u kacdo heerka aaminaada bulshada iyo dhamaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.

Gabagabadii Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid dardar galineysa dadaalada ku aadan sidii dowladda Soomaaliya looga cafin lahaa deynta.