4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 24, 2022
William Ruto: Xasan Sheikh wuxuu leeyahay aragti aad u cad wayna ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab
 

Sabti, September, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Wareysi uu siiyay Telefishinka France 24, ayuu Ruto ku amaanay hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya doorka uu ka qaatay dadaalada lagu xakameynayo qatarta kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

"Waxaan u maleynayaa doorashadii madaxweyne Xasan, oo aan la kulmay laba jeer hadda, wuxuu leeyahay aragti aad u cad oo ku saabsan halka aan u baahanahay inaan aadno. Waxaan filayaa inuu aad uga go’an yahay la dagaalanka Al-Shabaab. Go'aankiisu wuu cad yahay", ayuu yiri willima Ruto.

Mar wax laga weydiiyey inuu qorsheynayo inuu ciidamada Kenya ka soo saaro Soomaaliya, wuxuu yidhi," Ciidamadaas waxay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda isla marka aan dhammeyno howsha aan u hayno Soomaaliya.”

Hadalka hoggaamiyaha Kenya ayaa kusoo beegmaya todobaadyo kadib markii Al-Shabaab ay sheegtay inay weeraro kale ka geysan doonto gudaha dalka Kenya, hadii madaxda dalkaasi ay iska dhaga tiraan dalabaadkooda ku aadan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.