4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 23, 2022
Madaxweynaha Puntland oo shaqadii ka eryay qaar kamid ah wasiiraddii ugu saameynta badnaa maamulkiisa
 

Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid  Deni ayaa caawa xilkii ka qaaday wasiirkii maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, oo lagu tilmaamo inuu ahaa wasiirkii ugu saamaynta badnaa Puntland.

Xilka ka qaadida Xasan Shire Abgaal ayaa qeyb ka ahayd isku shaandhayn iyo magacaabis uu madaxweynaha Puntland ku sameeyay golihiisa wasiiradda. Waxaa xilka wasiirka maaliyadda loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha Puntland.

Cabdi Faarax Siciid Juxa oo horey usoo noqday wasiirkii arimaha gudaha Soomaaliya ee dowladdii madaxweyne Farmaajo, ayaa hadda loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii Caddaalada Puntland, Cawil Sheikh Xaamud. Waxaa lagu beddelay Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday wasiirkii qorshaynta Puntland, Jamaal Yuusuf Carab oo muddo 6 bilood ah joogay xafiiska. Waxaa lagu beddelay Maxamed Siciid Faroole oo uu adeer u yahay senator  Cabdiraxmaan Faroole.

Jamaal Yuusuf Carab oo laga qaaday wasiirkii qorshaynta, ayuu madaxeyne Deni wu magacaabay taliyaha hay'addka Sirdoonka Puntland ee PISA. Waxaa lagu beddelay Mukhtaar Jeyte oo xilkaas hayay, dhawaana shaqadii laga joojiyay.

Isbeddelkaan uu madaxweyne Deni sameeyay ayaa kusoo aaday iyadoo wax ka yar sannad iyo badh ay ka ka dhiman tahay doorashada madaxtinimada Puntland oo ku beegan january 2024.

Madaxweyne Deni ayaa meesha ka saaray saaxiibo badan oo siyaasadeed oo lagu tiriyo inay yihiin awooddii ka dambeysay inuu hanto xilka madaxweynaha Puntland.

Waxa uu  u arkayay inay caqabad ku yihiin hankiisa doorashada 2024, iyo doorashada golayaasha deegaanka ee uuu qorshaynayo in sannadka u dhiman uu xoogga saaro qabashadooda.