3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 23, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 15 xubnood Al-shabaab looga dilay dagaalo ka dhacay deegaano hoostaga Dhuusamareeb
 

Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed kasoo saartay dagaalo ka dhacay deegaanada Sinadhaqe iyo Labidulle oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalo ka dhacay deegaanka Sinadhaqa iyo labidulle ciidanka xoogga dalka ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanadaasi.

Warsaxafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Alshabaab ay isku dayeen in ay dib u qabsadaan Saldhigyo ciidamada dowladda maalmo ka hor Shabaab ka saareen, waxaana sidoo lagu xusay Warsaxafadeedka inuu gabaabsi yahay waqtiga ay haystaan dhalinyarada la qalday ee la dagaalamaya ciidanka xoogga dalka iney isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Hoos ma akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-













Click here
9/23/2022 3:04 PM EST
Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Deni ayaa caawa xilkii ka qaaday wasiirkii maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, oo lagu tilmaamo inuu ahaa wasiirkii ugu saamaynta badnaa Puntland.

9/23/2022 2:01 PM EST
Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu shir ugu soo gabagaboobay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hay'addaha deeq bixiyayaasha taageera Adeegyada Caafimaad dalka Soomaaliya iyo xubno ka socday hay'adda Caafimaadka Aduunka.

9/23/2022 8:02 AM EST
Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Maamul goboleedka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay go'aan kasoo baxay Wasaaradda Kaluumeyaiga dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo ahaa in cid aan aheyn dowladda Soomaaliya aysan bixin karin shatiga Kaluumeysiga.

9/23/2022 3:45 AM EST
Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo gabal dhacii shalay ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab deegaanada Sinadhaqo iyo Labidule oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

9/23/2022 1:59 AM EST
Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey Shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee gurmadka abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalada ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta dowladnimada.

9/23/2022 1:49 AM EST
Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa digniin adag u diray ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee ka amar qaata Al-shabaab, kuwa goobahooda ganacsi ku iibiya waxyaabaha maanka dooriya iyo waliba dadka u garsoor doonta Al-shabaab.