4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 23, 2022
Duqa magaalada Muqdisho “Albaabkii ganacsi ee loo xiro amarka Al-shabaab, waxaan cadeynaya inaan dib loo furi doonin"
 

Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa digniin adag u diray ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee ka amar qaata Al-shabaab, kuwa goobahooda ganacsi ku iibiya waxyaabaha maanka dooriya iyo waliba dadka u garsoor doonta Al-shabaab.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in ganacsadahii albaabkiisa u xira amar kasoo baxa Al-shabaab uusan dib u furi doonin goobtiisa ganacsi, isagoona intaa ku daray in sidoo kale dadka u garsoor doonta deegaanada Shabaab ee ka taga gudaha magaalada Muqdisho ineysan dhici doonin iney dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

“Albaabkii ganacsi ee lagu xiro amarka Al-shabaab, waxaan cadeynaya inaan dib loo furi doonin, sidoo kale qofkii Al-shabaab u garsoor u raadsada waxaan u sheegaya inuusan Muqdisho soo laaban doonin” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in ganacsadahii lagu arko goobtiisa ganacsi isago ku iibinaya waxyaabaha maanka dooriya in laga burburin doono goobtiisa, islamarkaana dhulka lagala wareegi doono.

"Magaalada Muqdisho anaga fasahaad uma ogolin waxaan u sheegaya dadka goobahooda ganacsi ku iibiya waxyaabaha maanka dooriya sida xashiishka iyo Calaqa in goobtan ku aragno aan burburin doono, lana wareegi doono goobtiisa ganacsi" ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Hadalkaan kasoo yeeray duqa magaalada Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo sanadkaan gudahiisa amaro kasoo kala baxay Al-shabaab iyo Daacish loo xiray qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee ku yaala Suuqyada Bakaaraha iyo Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, islamarkaana sidoo kale dadweyne fara badan oo ku nool Muqdisho ay u garsoor doontaan Maxkamadaha Al-shabaab.