4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2022
Nabadoon Cabdullaahi Nuur Garaad Seefle oo Xalay lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho kooxo hubeysan ay ku dileen Allah u naxariistee Nabadoon Cabdlaahi Nuur Garaad Seefle oo ka mid aha nabadoonada kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Allah u naxariiste dilka nabadoonka waxaa geystay rag dhalinyaro ah oo ku hubeysna bastoolado, kuwaas oo dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, islamarkaana si deg deg ah uga baxsaday goobta ay ku dileen nabadoonka.

Nabadoon Cilmi Guddoomiye oo ka mid ah Nabadoonada gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilka nabadoonka ay ka dambeeyaan Al-shabaab.

"Dilka Nabadoon Cabdullaahi Nuur Garaad Seefle oo ka mid ahaa nabadoonada Beesha Xawaadle waxaa ka dambeya Al-shabaab oo iyadu horay u sheegtay in qabiilka la dagaalamaya iney dili doonaan culimadooda iyo caamadooda, wiilashoda, gabdhahooda ay kuli ku tilnaameen iney gaalo yihiin, waana qabiilka kaliya ee Al-shabaab ku dhiiraday inuu dhibaatadiisa iska dhiciyo oo Somalida kale tusay in Shabaab la iska celin karo" ayuu yiri nabadoon Cilmi Guddoomiye.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii sidaan oo kale xubno ka tirsana Al-shabaab ay ku dileen degmada Yaaqshiid  ee gobolka Banaadir Allah u naxariistee Nabadoon Husseen Xayow Xalane oo ka mid ahaa nabadoonada beesha Xawaadle.