3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2022
Raysal wasaare Xamse "Marka Cadaw dagaal lagula jiro waa la xanuunjiyaa, markuu xanuunsado waxaa lagu gartaa jawaabta uu bixiyo"
 

Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka tiirka xoreynta iyo sugida amniga, kaasoo looga hadlay howlgalada culus ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka ayaa la sheegay in lagu soo bandhigay qorshaha dib u xoreynta deegaanada ay ku sugan yihiin Al-shabaab iyo sidii loo xasilin lahaa goobaha laga xoreeyo, si loo gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyadii bulshada oo in mudo ah hortaagnayeen Al-shabaab.

“Ciidamada geesiyaasha ah oo kaashanaya bulshada ayaa ku guuleystay xoreynta deeganno ay ku dhuumaaleysanayeen nabad diidka, waana muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xoreynta dalka” ayaa  lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Rayaal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalada ay ugu jiraan sidii ay u xaqiijin lahaayeen Amniga Bulshada, isagoona sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’antahay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Dhinaca kale raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook kuso qoray hadal kooban oo u muuqday mid jawaab u ahaa hadalkii kasoo baxay Afhayeenka shabaab ee ahaa dagaalka dowladda ay iclaamisay iyo kacdoonka shacab ee ka socda qeybo ka mid ah gobolada dalka.

"Marka Cadaw dagaal lagula jiro waa la xanuunjiyaa, markuu xanuunsado waxaa lagu gartaa jawaabta uu bixiyo, hadii jawaabtiisa noqoto mid naf la caari ah, micnaheedu waa cadawga wuu dhintee haka harina" ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Si kastaba ha ahaatee waxaa gobolada Hiiraan, Galgaduud, Baay iyo Bakool ka socda dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya dadka deegaanka iyo  Al-shabaab, waxaana dagaaladaasi Al-shabaab looga saaray deegaanadii ugu badnaa oo ay horay uga talin jireen.












Click here
9/19/2022 4:51 PM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga Soomaaliya gaar ahaan guutada Shanaad ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta Deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ku dilay 5 ka tirsan Alshabaab.

9/19/2022 11:21 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Eritariya ayaa beenisay warar maalmo ka hor lagu baahiyay Warbaahinta caalamiga ah, taas oo lagu sheegay inay heegan gelisay Eritariya ciidamadeeda militeriga ah, iyo inay u yeertay ciidamadeeda keydka ah oo ay ku amartay inay soo diyaar garoobaan, iskana soo xaadiriyaan xeryaha ciidan ee u dhaw.

9/19/2022 11:08 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya marka ay kursiga yimaadaan ay u tafo xaytaan dhibaataynta Somaliland, madaxweyne Xasan Sheekh-na uu wadadii maray.

9/19/2022 10:31 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Haweenay ka mid ahayd shaqaalaha hay’adda samafalka ee Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC), ayaa sharciga la tiigsatay hay’adda, kaddib markii ay sheegtay in shaqadda looga joojiyay sifo sharci darro ah bartamihii sannadkii 2020-kii, xiligaasi oo cudurka COVID-19 uu mararay heer sare.

9/19/2022 10:29 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Maanta kulan wadatashi ah la yeeshay Odeyaasha dhaqanka ee maamulka Galmudug oo uu kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib u heshiisiinta, xasilinta deegaanada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta qorsheyaal ay ku doonayaan iney isaga hor keenaan beelaha Soomaaliyeed.

9/19/2022 7:53 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa meel mariyay soojeedintii guddida ganacsatada ee ahayd in la is raaciyo doorashooyinka madaxweynaha iyo urrurada siyaasada.

9/19/2022 5:18 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Waxaa sii korortay tirada dhimashada kooxda Al-Shabaab ee kasoo gaaray howgalka ciidamada dowladda iyo kuwa Macaawisleyda ka wadaan deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan.

9/19/2022 4:05 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ee uu uga hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka Shacab ay wajahayaan Al-shabaab.

9/19/2022 12:43 AM EST
Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macaawisleyda ayaa ku dhawaad 50 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dilay meel u dhow degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.