4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo mar kale si adag uga hadlay hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh

Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya marka ay kursiga yimaadaan ay u tafo xaytaan dhibaataynta Somaliland, madaxweyne Xasan Sheekh-na uu wadadii maray.

"Waxay dhibaato ka dhacday, marwalba ninka Xamar kursiga maalintaa fadhiistaa, ilaa uu dab ku oogo Somaliland oo uu colaad ka abuuro saldhigi maayo, kuwii hore ayaanu ogayn, Xasan Sheekh-na shalay wuxuu ku hadlay waad wada maqasheen" ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo la hadlayay Ciidamada Millateriga Somaliland ee ku sugan Tukaraq.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu rajaynayo in shacabka Soomaaliya anay madaxweyne Xasan Sheekh la qabin hadalkii uu ku yidhi "Somaliland madaxbannaanideeda ma ogolin, lakiin waanu u saxeexi mashaariicda si ay u noolaadaan".

"Shalay Xasan Sheekh, maba jiraane haday doonayaan woxogaa ay ku ceesh ceeshaan waan u saxeexi ayuu kusoo gaabiyay hadal oo dhan, waxan filaya taa in anay la qabin Putland dad keedu, Dhuusa-mareebina la qabin, Gal-mudug, Kismaayana la qabin" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in Somaliland rabto in ay jaarkeeda nabad kula noolaato, "Somaliland maanta cid walba oo jaar ah, dhinac walba, haday bari tahay, haday galbeed tahay, haday waqooyi tahay, haday koonfur tahay, cidwalba gacan nabadeed iyo walaaltinimo ayaynu u taagaynaa".

Waxaanu intaa raaciyay in cidii nabada qaadan wayda ay iska difaacayaan, "Waliba waan la baryayna oo waxan leenahay waar shaydaanka iska naara anaga ayaa rabsho soo dhamaysanaye, ninkii loo taag waayana waynu is huranahay oo abaalkii ayaynu ka waraabin doonaa".

Waxa uu xukuumada Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland usoo jeediyay in ay aqbalaan in xadkii isticmaarka ee Afrika ku dhisantahay, in uu u dhexeeyo, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan danaha la wadaago, sida is badalka cimilada iyo iska difaacista cadowga dibada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]