4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2022
Taliye Biixi "Cali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar, laakiin weli jaanis ayaa u furan ha isku soo dhiibaan gacanta dowladda"
 

Isniin, September, 19, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ee uu uga hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka Shacab ay wajahayaan Al-shabaab.

Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ku sheegay inuu dhageystay hadalka Afhayeenka Shabaab, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay mid u muuqda cataaw iyo calaacal la xariira guuldarada kasoo wajahday kooxda dagaalada lagu jebiyay.

“Marka hore Cali Dheere iyo Al-Shabaab waxaan leeyahay kala daaya in caruur aad leysaan, kadibna aad dhahdaan falilaahil xamdu, hoteelo shacab kaligood ku jiraan intaad ku laaysaan oo hadana ad dhahdan falilaahil xamdu, inta kadib calaacalka Cali Dheere oo aan  dhageystay waxaa iiga muuqatay inay ku guul dareysteen dagaalkooda waxuushnimada ah” ayuu yiri Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi.

Taliye Biixi ayaa sidoo kale tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee Al-shabaab haysata ay tahay shacabka Soomaaliyeed oo ay mudada dheer dhibaateeyn jireen oo hada fahmay iney iska dhicin karaaan kooxda, islamarkaana haatan hormuud ka yihiin dadka shacabka dagaalada xoogeystay ee lagu jebiyay Shabaab.

“Cali Dheere Maanta inuu calaalacalo waa gar, laakiin weli jaanis ayaa u furan ha isku soo dhiibeen gacanta dowladda, kuwa la qaldayna mid walba hortiisa ha u cararo, weli jaanisbaa idiin furan ayaa leeyahay” ayuu yiri Jenaraal Biixi.

Hadalka Jenaraal Biixi ayaa kusoo beegmaya iyadoo saacado kooban ka hor uu Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Dheere uu si faahfaahsan uga hadlay kacdoonka Shacab ee Al-shabaab uga bilaawday qaar ka mid ah gobolada dalka iyo dagaalka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.