3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2022
Faysal Cali Waraabe oo u jawaabay madaxweynaha Soomaaliya
 

Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa afxumo ku tilmaamay hadalkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in aanu aqbalayn madaxbannaanida Somaliland.

Faysal waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh aanu wax saamayn ah ku lahayn siyaasada Somaliland, isla markaana aanu xataa u talin ismaamul goboleedyada Soomaaliya ka jira, isaga oo sheegay in Xasan Sheekh ay tiisii cuslaysay.

"Waan ka xumahay Xasan Sheekh in uu waxa ku hadlo, afkuu iska xumeeyay, wuxuu saamayn inagu leeyahay Xasan Sheekh ma jirto, tiisa ayaa cuslaysay, Soomaaliya 5 dowladood oo qabaa'il ku salaysan ayaa kamid ah, midna saamayn kuma leh" ayuu yidhi Faysal.

Faysal waxa uu sheegay in dowladnimada Somaliland ay xoog ku timid, oo shacabku ay qori caaradii kusoo celiyeen, kadib markii si hiyi kac ah reer Somaliland ula midoobeen Soomaaliyadii Talyaaniga ka xorowday 1, July, 1960.

"Inagu dalkeena gacanta ayaynu ku haynaa oo cid aan baryaynaa ma jirto, xoog ayaynu kusoo ceshanay waliba bilaash kumaynaan soo ceshan, dowladnimadii aynu hiyi kaca ku bixinay waxay inagu qaadatay in aynu 10 sanno waxaynu dad iyo xoolo haynay ku bixino" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu dhiirigalin siiyay madaxda Soomaaliya, kadib markii uu ogolaaday in uu wadahadalo la furo Muqdisho sannadkii 2012, taasi oo uu sheegay in loo arkay in Somaliland ay rabto in ay ku noqoto midowgii.

Waxa kale oo uu sheegay in khilaafka doorashooyinka ee hada taagani, uu isna sabab u yahay in madaxweyne Xasan uu Somaliland arrimaheeda faragaliyo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/18/2022 4:29 PM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha 48aad ee Shaqada Jaamacadda Carabta.

9/18/2022 3:10 PM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya , Amb. Fei Shengchao.

9/18/2022 6:59 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay guulo ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

9/18/2022 5:46 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Jiqoow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay goordhow oo Maanta ah gubeen dhamaan guryahii iyo Ceel biyoodkii ku yaalay deegaakaasi.

9/18/2022 5:39 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u jeedinaayay khudbad dhinacyo badan taabaneyso oo quseysa arrimaha Soomaaliya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka dalbaday iney garab istaagaan Walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ee abaartu saameysay.

9/18/2022 5:35 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Puntland ayaa maxkamad horkeentay wasiir ku xigeenkii hore ee kalluumeysiga Puntland Cabdirixmaan Salaad Jowle.

9/18/2022 5:32 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka jawaabaya hadalkii madaxweynaha Soonaaliya ee ahaa "Ma ogoli gooni isutaaga Somaliland", ayaa sheegay in madaxbannaanida Somaliland tahay go'aan shacbi oo aan la badali karin.

9/18/2022 2:07 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay dowladdiisa kasoo horjeedo wax kaste ah oo gacan ka geysanaya gooni isku taaggaa Somaliland.

9/18/2022 1:53 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa saacadahii lasoo dhaafay Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.