4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2022
Garowe: Wasiir horey uga tirsanaan jiray Puntland oo loo xiray ka ganacsiga dhirta
 

Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Puntland ayaa maxkamad horkeentay wasiir ku xigeenkii hore ee kalluumeysiga Puntland Cabdirixmaan Salaad Jowle.

Wasiirka iyo shakshiyaad kale ayaa loo haystaa inay si sharci darro ah u jarayeen, ugana dhoofinayeen Puntland qaab ganacsi dhirta loo yaqaano geed Quwaaxa.

Cabdiraxmaan Salaad Jowle oo maxkamadda ka hor hadlay ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay falkaan. Wuxuu sheegay in lagu xadgudbay xaquuqdiisa aas aasiga ah. Wuxuuna sheegay isagoo aan waxba la weydiinin in xabsiga loo taxaabay.

Xeer ilaalinta ayaa waxay ku eedeysay inuu maalgalin ku bixiyay jarista iyo dhoofinta dhirtaan. Waxayna horey ugu jartay waaran lagusoo xirayo isaga iyo masuuliyiin kale Puntland katirsan.

Waa masuulkii ugu horreeyay ee wasiir kasoo noqda Puntland oo loo xiro dambi lagusoo eedeeyay.