3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay 30 katirsan Al-Shabaab ku dishay howlgal ka dhacay Abooreey
 

Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - In ka badan 30 dagaalame oo katirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo dhacay abaare labadii habeenimo ee xalay, ayaa la sheegay inay ciidanka milatarigu sii hayeen xogta Alshabaab. War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta  ayaa lagu sheegay in Alshabaab jab xoog leh lagu gaarsiiyay howlgalka.

Deegaanka Abooreey oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka xoogga dalka  waa goob muhiim u ahaa marinka Shabaabka  isaga kala gudbi jiray deegaanada bari iyo qaybaha kale ee dalka.

Dagaaladii ugu danbeeyay ee ciidanka dowladda iyo ciiddanka macaawisleyda oo iskaashanaya ay la galeen Alshabaab waxaa lagu dilay in ka badan 150 Shabaab ah, sida dowladdu sheegtay.













Click here
9/17/2022 8:18 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland, ayaa mamnuucay bacda madow ee lagu qariyo muraayadaha baabuurta, laydhka awooda badan ee baabuurta iyo hoonka dhawaqa dheer.

9/17/2022 6:37 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dhameystirka hannaanka deyn cafinta, kaddib wadahadal madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Bankiga Adduunka ku dhexmaray magaalada Washing DC.

9/17/2022 4:20 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ku heshiiyey in ay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Geeska Afrika.

9/17/2022 1:56 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Cagoole oo magaalada Baledweyne dhanka Koonfureed kaga beegan ilaa 45 KM ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino uu ku haleeyay gaari ay saarnayeen dad safar ahaa oo u badna Nabadoono.

9/17/2022 1:41 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Wasaaradda Warfaafinta ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgal ciidanka nabadsugida ka sameeyeen Waydow, Yaaqshiid iyo Heliwaa oo lagu soo qabtay 10 xubnood ka tirsan Al-Shabaab.

9/17/2022 1:06 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Eritariya ayaa sheegaya in dowladda Eritariya ay u yeedhay ciidankeedii keydka ahaa ee da’doodu ka yar tahay 55 jir, si ay uga qayb galaan dagaalka ay Eritariya kula jirto kooxda TPLF, waxayna dowladda Eritariya ku amartay ciidamadaas keydka ahaa inay soo qaataan bustayaashooda iyo agabkii ay biyaha ku cabbayeen, iskana soo xaadiriyaan xeryaha ciidanka ee u dhaw.