4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2022
Gadiidka dadweynaha Somaliland oo amaro cusub lagu soo rogay
 

Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland, ayaa mamnuucay bacda madow ee lagu qariyo muraayadaha baabuurta, laydhka awooda badan ee baabuurta iyo hoonka dhawaqa dheer.

Sarkaal u hadlay ciidamada nabadgalyada wadooyinka, ayaa sheegay in bacda madow ee lagu xidho muraayadaha baabuurtu ay sharci ahaan mamnuuctahay, isaga oo amray in baabuurta laga daayo.

"Sida uu qabo qodobka 39 ee nabadgalyada wadooyinku wuu mamnuucayaa, xadhig ayuu leeyahay, ganaax ayuu leeyahay, muraayadaha waxaanu leenahay ha laga daayo, oo sida nabadgalyada ah hala ilaaliyo".

Sidookale, waxa uu sheegay in laga bilaabo todobaadka danbe ay bilaabi doonaan in ay hubiyaan sharciyda baabuurta iyo wadayaasha, isla markaana wadaha ama baabuurka anay waraaqaha sharciga wado maristu u dhamaystirnayn ay talaabo ka qaadi doonaan.

Ciidamada nabadgalyada wadooyinku sidookale waxay ka digeen, isticmaalka indhaha baabuurta ee nuurka badan, oo ay sheegeen in ay dhibaato ku hayaan gaadiidlayda, isla markaana ay keenaan shilal.

Waxa kale oo ay ka digeen garaacista hoonka dhawaqa dheer xiliyada ay baabuurto dhex socoto magaalooyinka, iyo goobaha ku dhaw isbitaalada.

Amaradan ayaa fuli doona wixii ka danbeeya Sabtida inagu soo foodleh, dhanka kale, booliisku ma sheegin wax shaki cusub ah oo nabadgalyada laga qabo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]