4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2022
Laba qarax oo is xigxigay oo Caawa lagu weeraray barkoontarool oo ku taala magaalada Baledweyne
 

Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Caawa abaare 07:00 Fiidnimo laba qarax oo nooca gacanta laga tuuro ah lagu weeraray barkoontarool oo ku taala Xaafada Buundaweyn.

Bambaanooyinka ayaa ahaa kuwa is xigxigay oo lagu tuuray ciidamo ku sugnaa bartakoontarool oo ku taala afaafka hore ee buundada, waxaana lasoo sheegaya in labadaasi qarax ay ku dhaawacneen laba ruux oo midi askari yahay, mid ka kalana ay tahay gabar yariis ah oo ku sugneyd albaabka hore ee gurigooda oo daris lahaa bartakoontarool.

Ciidamada ayaa qaraxyada kadib riday rasaas aad u farabadan oo sii kordhisay argagaxa dadka shacabka ahaa ee ka agdhawa goobta qaraxyada ka dhaceen, waxaana bartakoontarool ee qaraxyada ka dhaceyn Caawa horay uga dhacay qaraxyo bambaano oo noocaan oo kale ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Baledweyne ayaa qaraxyada kadib gaaray bartakoontarool ee bam gacmeedyada lagu weeraray caawa, waxaana la tilmaamay iney goobta ka kaxeysteen askarigii sida gaarka ahaa ugu qorna waardiga.

Weerarada bambaanooyinka noocaan oo kale ah waxaa masuuliyadeeda sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab oo bartilmaameedsada fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya.