4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2022
William Ruto: Beeralayda qaadku waa in aysan welwelin, arrimaha qaadka madaxweynaha Soomaaliya ayaan kawada hadalnay
 

Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa markii ugu horraysay ka hadlay Qaadka dalkiisu u dhoofiyo Soomaaliya, kaasoo bishii August dib loo fasaxay kadib muddo labo sano oo hakad uu ku jiray.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya la kulmay todobaadkan, isagoo tilmaamay inay kawada hadleen ganacsiga Qaadka.

"Aniga ii daaya arrimaha qaadka. Waxaan toddobaadkan kulan la leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya si aan suuqa qaadka uga wada hadalno," sidaa waxaa yiri madaxweyne William Ruto.

William Ruto ayaa Beeralayda qaadka ee dalkiisa ugu laab qaboojiyay in aysan welwelin. Wuxuu u sheegay dhammaan arrimaha qaadka ku saabsan inuu Soomaaliya kala macaamili doonno.

Kenya waxay dadaal xooggan ku bixisay inay dib usoo celiso Qaadka Soomaaliya u dhoofin jirtay, kadib markii dowladdii hore ee Soomaaliya ay joojisay 2020.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii August heshiis uu la galay dhiggiisa Kenya xayiraadii kaga qaaday dhoofinta Qaadka Kenya. Labo todobaad kadib heshiiska, Kenya ayaa si rasmi ah u billowday dhoofinta Qaadka.