3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2022
Qarax khasaare geystay oo goordhaw ka dhacay magaalada Baledweyne
 

Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax haleelay gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Booliiska magaalada Baledweyne, gaar ahaan kuwa miino baarista xili uu maraayay wadada laamiga ah ee isku xirta gudaha magaalada iyo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Gaariga ayaa la sheegay inuu qaraxa ku qabsaday Xaafada Xaawo taako gaar ahaan laanta Nuur Xawaad, lamana oga in qaraxa uu ahaa mid dhulka ku aasna iyo mid gaariga qarxay horay ugu xirnaa, waxaana waxyeelo kasoo gaartay sadax askari oo ka mid ahaa ciidankii saarna gaariga.

Ciidanka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la sheegay iney ahayeen kuwa miino baarista ah ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Baledweyne, waxaana dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalka ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin Xaafada Ceeljaalle ee Magaalada Baledweyne.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka magaalada Baledweyn oo ku aadan qaraxa haleelay gaariga ay saarnayeen ciidanka miino baarista ee ku qarxay Xaafada Xaawo taako ee magaalada Baledweyne.












Click here
9/11/2022 2:24 PM EST
Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Ku dhawaad shan qof ayaa ku geeriyooday, tiro ka badana way ku dhaawacmeen qarax loo maleynayo inuu yahay ismiidaamin oo ka dhacay deegaanka Milxo oo hoos taga degmada Laasqorey ee Sanaag.

9/11/2022 1:26 PM EST
Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Caawa abaare 07:00 Fiidnimo laba qarax oo nooca gacanta laga tuuro ah lagu weeraray barkoontarool oo ku taala Xaafada Buundaweyn.

9/11/2022 1:21 PM EST
Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa markii ugu horraysay ka hadlay Qaadka dalkiisu u dhoofiyo Soomaaliya, kaasoo bishii August dib loo fasaxay kadib muddo labo sano oo hakad uu ku jiray.

9/11/2022 10:04 AM EST
Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw si raami ah uga furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, iyadoo uu shir guddoominaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

9/11/2022 5:42 AM EST
Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Haruuse, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye.

9/11/2022 2:29 AM EST
Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxaana Muqdisho ku wada sugan madaxweynayaasha maamul goboleedyada marka laga reebo madaxweynaha Puntland oo aan wali Muqdisho soo gaarin.

9/11/2022 2:19 AM EST
Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Puntland ayaa digniin kasoo saartay isku dayo falal argigixiso oo kooxda Alshabaab ay u maleegayso inay ka geysato gudaha magaalooyinka Puntland.