4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2022
Puntland oo digniin kasoo saartay iskudayo Alshabaab ku doonayso inay falal amni darro uga geysato deegaannadeeda
 

Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Puntland ayaa digniin kasoo saartay isku dayo falal argigixiso oo kooxda Alshabaab ay u maleegayso inay ka geysato gudaha magaalooyinka Puntland.

Taliyaha ciiddanka Booliiska gobolka Nugaal gashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay hayaan xogo waa-weyn oo amni oo ku saabsan in Alshabaab isku dayayaan in magaalooyin ay kamid tahay Garowe ka geystaan falal amni darro.

Taliye Xuseen wuxuu sheegay inay Alshabaab qorsheeyeen inay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland soo galiyaan dad uqaabilsan falalka amni darrada ah iyo sidoo kale kuwo la shaqeeya.

Wuxuu ugu baaqay shacabka inay laamaha amniga si dhow ula shaqeeyaan unasoo gudbiyaan wax walba oo ammaanka lid ku ah.

" Alshabaab sidii dilkii Sheikh Cabdqaadir Nuur Faarax kadib looga sifeeyay Garowe, waxay hadda mar kale isku dayayaan inay Garowe ku yeesheen dad u qaabilsan falalka argigixisada ah, waxaana loo baahan yahay reer Puntland sidii lagu yaqaanay inay aad ula socdaan dad guryaha laga kiraynayo.

Alshabaab ayaa sannadkii 2013 Garowe ku dilay Sheikh Cabdiqaadir Faarax oo kamid ahaa culimada   waawayn ee Puntland, kaas oo si adag ugasoo horjeeday ficilada gurracan ee Alshabaab. Waxaa lagu dilay masjid gudihiis isagoo tujinayay salaadii casir.

Dad shacab ah ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiig laha falka fuliyay oo qirtay inuu Alshabaab ka tirsanaa. Waxaa kaloo la qabtay nin kale oo guriga u kireeyay oo kiiskan kala qeyb qaatay.

Bilo kadib ayaa labaduba lagu fuliyay xukun dil ah.

Tan waqtigaas kadib waxay Puntland aad u adkaysay inaan cid aan la aqoon oo damiin wadan laga kirayn guryaha magaalada Garowe iyo magaalooyinka kale.