4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2022
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo magacaabay taliyayaal ciidan
 

Arbaco, October, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa taliyaha Booliiska Puntland u magacaabay S/guuto Muumin Cabdi Shire, isagoo xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka Booliiska gaashaanle sare Maxamed Cabdi Xaashi.

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska ayaa horey u ahaa taliyihii  Booliiska gobolka Mudug, waxaase lagu beddelay G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf.

Muumin Cabdi Shire ayaa lagu tilmaamaa inuu shaqo adag ka qabtay muddadii uu ahaa taliyaha booliiska gobolka Mudug, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay soo afjarida shabakadihii Alshabaab ee dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo, tan iyo 2008.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay taliyaha la dagaalanka argigixisada. Wuxuuna xilkaas u magacaabay Gen. Muxidiin Axmed Muuse.

Gen. Muxidiin Axmed Muuse ayaa xilkaan horey usoo qabtay xilligii maamulkii Cabdiweli Cali Gaas, ka hor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka booliiska Puntland.

Sarkaalkan ayaa sannadkii 2020 laga qaaday taliyaha booliiska Puntland, dhowr bil kadib dilkii guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gujir oo u geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo Garowe ka dhacay bishii march 2020.