4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2022
Xukuumada Somaliland oo sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh caawimo waydiistay
 

Khamiis, October, 13, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu taageero waydiistay xiligii uu mucaaradka ahaa, lakiin uu ku wacad furay markii uu guulaystay.

Wasiirka Biyaha Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya markii uu ollolaha doorashada ku jiray uu Somaliland ka codsaday taageero, lakiin markii uu guulaystay uu wax aan haboonayn Somaliland ka sheegay.

"Nin kan Xasan Sheekh barigii dhawayd ee uu farmaajo ka adkaaday, telefoonka ayuu dabka naga riday, habeen iyo maalinba wuu soo hadlayo wuxuu lahaa gurmad ayaanu u baahanahay, markii la doortay Maraykan wuxuu kaga hadlayay waad arkayseen" ayuu yidhi Cali Mareexaan.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta reer Muqdisho ay taariikh u leeyihiin in markay jilicsanyihiina, ay caawimo soo dalbadaan, marka ay iskugu hagaagtana ay sii jeedsadaan.

"Siyaasiyiinta reer Xamarka ah taariikhdoodaba 100 kii sanno ee u danbaysay, markay arrintu ku adkaatana gurmad iyo gar gaar ayay inoo soo doontaan, markay iskugu yar hagaagtana sidasay u wada hadlaan" ayuu yidhi Cali Mareexaan.

Wasiirku ma sheegin nooca caawimada ah ee uu madaxweyne Xasan Somaliland soo waydiistay xiligii uu mucaaradka ahaa.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]