4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 30, 2022
Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya oo iska fogeysay inay taageerayso sharciga jinsiga
 

Arbaco, November, 30, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar, ayaa iska fogeysay inay dabada ka riixayso sharci kasoo horjeeda Diinta iyo dhaqanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka waxay beenisay in barlamaanka la horkeenay sharciga jinsiga oo buuq badani uu ka taagan tahay. Waxay kaloo sheegtay in hadal ay maalin dhowayd jeedisay la isku jarjaray oo si qaldan loo turjumay.

Sacdiyo oo ka hadlaysay xeerka jinsiga waxay sheegtay inaysan kamid ahayn dadka u doodaya xeerkaan, iyadoo tilmaamtay in mar la horkeenay barlamaanka kaddibna uu  barlamaanka dib isaga celiyay.

Waxay sheegtay inay kamid tahay masuuliyiinta u ololeynaya in sharciga jinsiga la waafajiyo shareecada islaamka, dib u sixid weyn lagu sameeyo, islamarkaana loona bixiyo magaca “Sharaf-dhowr”

Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka ayaa dhowaan mowjado dhaleecayn kala kulantay baraha bulshada kadib markii lagu eedeeyay  inay u qareemayso xeer gef ku ah diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Hadaladii laga diiwaan galiyay waxaa kamid ahaa in haddii aan la meel marinisharciga jinsiga ay Muqdisho isaga tagayso.